Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay sanad guurada 35-aad ee kasoo wareegatay aas aaskooda ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan horumarka ay ku tallaabsadeen.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa guul wayn oo ku aadan aqoonsiga ka sheegay munaasabadda, isaga oo ku faanay in xuska sanadkan uu kusoo aaday, iyada oo la aqoonsan yahay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa farxad gaar ah innoo ah in maanta uu yahay xuskii koowaad ee aynu xuseyno 18-ka May, iyada oo aynu nahay Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsan yahay,” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay dal cusub oo usoo kordhay qowmiyadda Soomaaliyeed, ayna ka shaqeyn doonaan horumarka iyo qarannimadooda.
Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay kasoo baxday dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal mas’uul ah, nabad ah, sharci iyo dimuquraadiyad ay ka jirto xuduudihiisana la yaqaano”.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa farriin u diray Ururka Midowga Afrika, isaga oo uu ugu baaqay in ay iska daayaan dalalka iyo dowladana aan is qaadan kadin, sida uu ku dooday.
“Waxaan ugu baaqayaa dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in wax laga barto cawaaqib xumada ka dhalata isku tolida iyo isku qasbida dalal iyo dowlado aan is raaci karin,” ayuu kusii daray khudbaddiisa.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay ay Somaliland ictiraaf uga heshay Israa’iil oo sidoo kale safiir usoo magacowday magaalada Hargeysa,].

