Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii u dambeeyay, magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa ka socday olole bulsho oo culimada iyo haldoorku ku wacyigelinayeen in hoos loo dhigo qiimaha guurka, gaar ahaan meherka. Waa caqabad dhab ah oo haysata dhallinyaro badan oo doonaya inay reer yagleelaan, balse ay is-hortaag ku noqdeen shuruudo badan iyo kharashyo xad-dhaaf ah.
Dhallinyarada, gaar ahaan wiilasha, ayaa ka cabanaya sare u kaca ku yimid qiimaha guurka, iyadoo dalka ay ka jiraan dhaqaale-xumo daran, shaqo la’aan iyo weliba diyaar-garow la’aan haysata qaar ka mid ah dhallinyarada.
Meherka oo la qaaliyeeyay waa caqabadda koowaad ee taagan. Waxaa arrintan qayb ka ah qoysaska, gaar ahaan dhinaca gabadha, oo mararka qaar meherka ka dhiga wax lagu faano, halkii uu ka ahaan lahaa astaan fududeyn, naxariis iyo dhisid qoys.
Xafladaha arooska, sida kirada hoolalka qaaliga ah, hoteellada, dhar-gashiga noocyadiisa kala duwan, fannaaniinta iyo sawir-qaadayaasha, ayaa kharashka ka dhiga mid xad-dhaaf ah.
Sidoo kale, waxaa culayskaas qayb ka ah qalabeynta guriga cusub oo inta badan loo rabo qaab casri ah oo qaali ah, taasoo ka sarreysa awoodda dhaqaale ee wiilka dhallinyarada ah. Tartanka baraha bulshada ayaa isna abuuray maseer, is-tus-tus iyo in la isku faano.
Guurka qaaliga ah wuxuu albaabada u furaa dib u dhaca guurka dhallinyarada, taasoo horseedi karta dhibaatooyin akhlaaqeed iyo kuwo bulsho. Diinta Islaamku waxay dhiirrigelisay fududeynta guurka, iyadoo guurka lagu tilmaamo jid lagu helo xasillooni nafsi ah, dhowrsanaan iyo badbaado bulsho.
Dhaqan ahaan iyo diin ahaanba, guurka ugu khayrka badan waa kan ugu kharashka yar. Sidaas darteed, waalid kasta waxaa saaran mas’uuliyad ah inuu qayb ka qaato xal u helidda dhibaatadan. Waalidiinta waxaa la gudboon inay dhallinyarada u fududeeyaan guurka, iyagoo garowsan in nolosha dhabta ahi ay bilaabato arooska kaddib, ee aysan ku koobnayn xafladda arooska.
Qaybaha bulshada, sida culimada iyo haldoorka, waa inay mar kale u istaagaan suulinta dhaqamada cusub ee ku dhisan is-dayashada, tartanka baraha bulshada iyo is-tus-tuska. Waxaa muhiim ah in laga fikiro mustaqbalka fog ee lammaanaha, lana dhiirrigeliyo aroosyada wadajirka ah ee lagu qabto masaajidda ama goobaha bulshada ee kharashka yar, taasoo waafaqsan diinta, dhaqanka wanaagsan iyo caqliga saliimka ah.
Waxaa diyaariyay: Ali Muhiyaddiin
[email protected]

