Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ciidamada kumaandooska DANAB ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga gobolka iyo ciribtirka kooxaha hubeysan ee weli ka howlgala qeybo kamid ah Shabeellaha Hoose.
Dowladda ayaa sidoo kale soo bandhigtay hub iyo agabyo kala duwan oo lagu qabtay howlgalka, kuwaas oo isugu jiray qoryaha AK-47, bastoolado, bambooyin iyo qalab loo adeegsado sameynta walxaha qarxa.

Hubkan ayaa warbaahinta usoo bandhigay ciidamada kumaandooska DANAB, gaar ahaan cutubyada adeegsada gawaarida gaashaaman, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadanaya howl-gallada ka socda gobolka.
Muddooyinkii dambe waxaa gobolka Shabeellaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan DANAB iyo Gorgor, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimo iyo dhaqdhaqaaqyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka dowladda ayaa sheegay in howl-galladan ay saameyn xooggan ku yeesheen awooddii kooxda, isla markaana ay hoos u dhaceen weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadi jirtay xeryaha ciidamada dowladda iyo fariisimada muhiimka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo xustay in ciidamada qalabka sida ay guulo ka gaareen dagaallada iyo howlgallada ka socda gobollo kamid ah dalka.

