26.8 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

Wafti ka socda Qatar oo ku sugan IRAN – Maxaa is-bedelay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Koox wada-hadal oo ka socota Qatar ayaa Jimcihii gaartay Tehran, iyadoo la shaqeyneysa Mareykanka, si ay gacan uga geysato dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis lagu joojinayo dagaalka Iran, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo Reuters la hadlay.

Tallaabadan ayaa muujineysa in Doha ay dib ugu soo laabatay doorkeedii dhex-dhexaadinta ee gobolka, xilli wada-hadallada lagu joojinayo dagaalka Iran ay weli ku xayiran yihiin qodobo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Tehran iyo xakameynta marin-biyoodka Hormuz.

“Koox wada-hadal oo Qatar ah ayaa Jimcaha ku sugan Tehran,” ayuu yiri ilo-wareedka, isagoo intaas ku daray in kooxdaas ay safartay iyadoo la kaashaneysa Mareykanka.

Wuxuu sheegay in ujeeddada safarka ay tahay in la caawiyo dadaallada lagu gaarayo “heshiis kama dambeys ah oo joojinaya dagaalka, isla markaana xallinaya qodobbada weli taagan ee la xiriira Iran.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar si degdeg ah ugama jawaabin codsi faallo ah.

Qatar oo ku soo laabatay miiska 

Qatar ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaartay dhex-dhexaadinta xiisadaha gobolka, gaar ahaan dagaalka Gaza iyo xiriirrada qarsoon ee u dhexeeya Washington iyo Tehran.

Hase yeeshee, Doha ayaa ka fogaatay inay si muuqata uga dhex shaqeyso dagaalka Iran ka dib markii ay la kulantay weerarro gantaallo iyo drones ah oo ka yimid Iran intii lagu jiray dagaalkii ugu dambeeyey.

Dib ugu soo laabashada Qatar ee wada-hadallada ayaa imaaneysa iyadoo Pakistan ay weli tahay dhex-dhexaadiyaha rasmiga ah tan iyo markii dagaalku bilowday.

Si kastaba, Qatar waxay leedahay miisaan gaar ah oo ay ku saameyn karto dhinacyada. Waa xulafo weyn oo aan NATO ka tirsaneyn oo Mareykanka leeyahay, waxayna martigelisaa saldhigga Al Udeid, oo ah xarunta militari ee ugu weyn Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe.

Doha sidoo kale waxay muddo dheer ahayd marin diblomaasiyadeed oo Washington iyo Tehran ay si dadban ugu wada xiriiraan marka xiriirkoodu gaaro heer xasaasi ah.

Wada-hadallo aan meel gaarin 

Xabbad-joojin jilicsan ayaa hadda ka jirta dagaalka billowday markii Mareykanka iyo Israel ay weerarro ku qaadeen Iran 28-kii February, balse weli lama gaarin horumar weyn oo siyaasadeed.

Wada-hadallada waxaa sii adkeeyey xannibaad Mareykanku saaray dekedaha Iran iyo xakameynta Tehran ee marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah saliidda iyo gaaska caalamka.

Ilo-wareedyo sare oo Iran ah ayaa Khamiistii Reuters u sheegay in aan weli heshiis la gaarin, balse ay jiraan farqi yaraaday oo u dhexeeya dhinacyada.

Qodobbada ugu adag ee weli miiska saaran waxaa ka mid ah hodminta uranium-ka Iran iyo doorka Tehran ee marin-biyoodka Hormuz.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Khamiistii sheegay inay jiraan calaamado muujinaya horumar.

“Waxaa jira calaamado wanaagsan,” ayuu yiri Rubio. “Ma doonayo inaan si xad-dhaaf ah u rajo fiicnaado. Aan aragno waxa dhaca maalmaha soo socda.”

Markii Jimcihii la weydiiyey kooxda Qatar ee Tehran ku sugan, Rubio wuxuu sheegay in Pakistan ay weli tahay dalka ugu weyn ee Washington kala shaqeynaya wada-hadallada Iran.

“Pakistan waxay qabatay shaqo lagu ammaani karo,” ayuu yiri Rubio, isagoo ka hadlayey shir wasiirrada arrimaha dibadda NATO uga socday Sweden.

Wuxuu intaas ku daray in dalalka kale ee gobolka, gaar ahaan kuwa Khaliijka, ay leeyihiin danahooda maadaama ay si toos ah ugu dhex jiraan xiisadda.

“Waxaan la hadalnaa dhammaantood,” ayuu yiri. “Laakiin dalka ugu weyn ee aan arrintan kala shaqeyneyno waa Pakistan, taas ayaana weli jirta.”

Doha oo dhaawac qabta 

Dib u soo noqoshada Qatar ee dhexdhexaadinta ayaa timid inkastoo Iran ay hore u weerartay dalkaas intii uu socday dagaalka.

Sida lagu sheegay xogta la helay, Iran ayaa Qatar ku garaacday boqolaal gantaal iyo drones ah, iyadoo bartilmaameedsatay kaabayaal rayid ah iyo xarunta muhiimka ah ee gaaska dabiiciga ah ee Ras Laffan.

Weerarkaas ayaa la sheegay inuu meesha ka saaray qiyaastii 17% awoodda Qatar ee dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee LNG. Qatar ayaa hore u hakisay wax-soo-saarka LNG 2-dii March ka dib weerarro Iran ka yimid.

Ka hor dagaalka, qiyaastii 20% ganacsiga LNG ee caalamka ayaa mari jiray marin-biyoodka Hormuz, iyadoo inta ugu badan ay ka iman jirtay Qatar.

Xakameynta Iran ee marin-biyoodkaas ayaa si weyn u curyaamisay awoodda Qatar ee dhoofinta LNG, taas oo cadaadis ku kordhisay suuqyada tamarta iyo dalalka ku tiirsan gaaska Qatar.

Dhexdhexaadin xasaasi ah 

Dhaqdhaqaaqa cusub ee Qatar wuxuu ka tarjumayaa baahida Mareykanka u qabo wadiiqooyin badan oo diblomaasiyadeed, iyadoo Washington dooneyso heshiis lagu xiro dagaalka ka hor inta uusan mar kale qarxin.

Tehran waxay dooneysaa dammaanad amni, joojinta weerarrada Mareykanka iyo Israel, iyo aqoonsi loo siiyo waxa ay ku tilmaanto xaqeeda hodminta uranium-ka.

Mareykanka iyo Israel, dhankooda, waxay doonayaan in Iran laga xakameeyo barnaamijkeeda nukliyeerka, awooddeeda gantaallada iyo saameynta ay ku leedahay marin-biyoodka Hormuz.

In Qatar ay hadda dib ugu soo laabato miiska waxay muujineysaa in dadaallada nabadeed ay galeen marxalad cusub, balse weli ma cadda in Tehran iyo Washington ay diyaar u yihiin tanaasul ku filan oo lagu gaaro heshiis kama dambeys ah.

Inta khilaafka uranium-ka, Hormuz iyo dammaanadaha amniga aan la xallin, xabbad-joojinta hadda jirta waxay sii ahaan doontaa mid jilicsan, iyadoo gobolka Khaliijka uu weli wajahayaa halis dagaal cusub.

- Advertisement -

Read more

Local News