26.1 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Itoobiya iyo Jabuuti oo heshiis ka gaaray dhismaha dhuumo qaada saliidda iyo gaaska

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wadahadallo la yeeshay madaxa fulinta ee Ethiopian Investment Holdings, Brook Taye. Wadahadalladaas ayaa ku saabsanaa mashaariic la qorsheeyay oo lagu dhisayo marin dhoofin oo shidaal iyo gaas ah, kaas oo isku xiraya Itoobiya iyo Jabuuti, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wadaxaajoodka u sheegeen wargeyska Addis Standard.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshe kaabayaal tamareed oo laba weji ah. Qorshahan ayaa la diyaariyay kaddib markii uu dhowaan billowday iskaashi u dhexeeya Itoobiya iyo Kooxda Dangote, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Itoobiya iyo Jabuuti ee dhinacyada saadka tamarta iyo awoodda dhoofinta.

Sida ku cad qaab-dhismeedka la soo jeediyay, wejiga koowaad wuxuu hiigsanayaa dhismaha dhuumo qaada shidaalka la sifeeyay, kuwaas oo ka imanaya xarumaha dekedda Jabuuti kuna sii jeeda xarunta dhexe ee saadka Itoobiya ee Daweleh.

Wejiga labaad wuxuu ku saabsan yahay dhismaha dhuumo gaar ah oo qaada gaaska dabiiciga ah iyo saliidda ceyriin. Dhuumahaas ayaa loogu talagalay in lagu dhoofiyo shidaalka iyo gaaska Itoobiya ee laga soo saarayo ceelasha ku yaalla Gobolka Soomaalida Itoobiya, si loogu iib geeyo suuqyada caalamka iyadoo la marayo Jabuuti.

Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegeen in Madaxweyne Geelle uu si wanaagsan uga jawaabay soo-jeedinta qorshahan, isagoo xusay qodobbo muhiim u ah fulinta waxa ay labada dhinacba u arkaan qaab-dhismeed cusub oo iskaashi istiraatiiji ah oo dhexmaraya labada dal ee dariska ah.

Brook Taye waxaa kulanka ku wehelinayay la-taliyayaal sare oo ka tirsan Kooxda Dangote, kuwaas oo kala ah Peter Lazam iyo Singh Rana. Sidoo kale, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Legesse Tulu.

Dhanka Jabuuti, waxaa kulanka uga qayb galay Wasiirka Tamarta, Djama Mohamed Hassan, Xoghayaha Guud ee Madaxtooyada, Mohamed Abdillahi Waïs, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Hassan Issa Sultan.

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmay xilli uu dardar cusub ku socdo iskaashiga saadka tamarta ee Itoobiya iyo Jabuuti, taas oo ka muuqata dhowr horumar oo dhowaan dhacay.

19-kii Maarso 2026, Ethiopian Investment Holdings ayaa si rasmi ah u codsatay dhul cabbirkiisu yahay 10 hektar oo ku yaalla Jabuuti, si ay uga dhisto xarun weyn oo lagu kaydiyo shidaalka, sida uu sheegay Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti ee DPFZA.

- Advertisement -

Read more

Local News