26.8 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

Xiisad culus oo ka taagan Baay kadib dagaal ka dhacay duleedka Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Baay ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay duleedka magaalada Baydhabo, kadib dagaal culus oo xalay dhex-maray ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad la sheegay inay taabacsan yihiin madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Iidoow Dhagoole oo dhaca waqooyiga magaalada Baydhabo, halkaas oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska horimaadka uu socday saacado badan, isla markaana uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerar qorsheysan oo lagu soo qaaday magaalada Baydhabo.

Wasaaraddu waxay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ku tilmaamtay “Shabaabka cusub,” iyadoo ula jeedda ciidamo daacad u ah Lafta-gareen. Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadkaasi, isla markaana lagu qabtay hub iyo saanad ciidan.

Si kastaba, maamulka ayaa wax faahfaahin ah ka bixin khasaaraha dhinaca ciidamadiisa kasoo gaaray dagaalka ka dhacay deegaankaasi.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ugu baaqay waalidiinta iyo ehellada dhalinyarada ku sugan furimaha dagaalka inay kasoo saaraan goobaha ay ku sugan yihiin, iyagoo ballan-qaaday in loo fidin doono cafis haddii ay iska soo dhiibaan maamulka.

“Dhalinyaradaasi waa la marin habaabiyay, waxaana loogu baaqayaa qoysaskooda inay ku qanciyaan inay kasoo baxaan duurka, si loogu soo celiyo bulshada dhexdeeda,” ayaa lagu yiri baaqa maamulka Koonfur Galbeed.

Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli gobolka Baay ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabullo siyaasadeed oo ka dhashay isbeddelkii dhawaan ka dhacay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed. Taageerayaasha Lafta-gareen ayaa weli kasoo horjeeda sida ay wax u dhaceen, waxaana jira cabsi laga qabo in colaaddu sii fiddo.

Tan iyo markii xilka laga qaaday Lafta-gareen, qaar kamid ah ciidamadii daacadda u ahaa ayaa isku uruursaday deegaanno ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ka wadaan kacdoon ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed. Xiisaddan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga guud ee magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

- Advertisement -

Read more

Local News