26.1 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Culumada Somaliland ma xukuumadda ayaa aamusisay mise naftooda ayey u baqeen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland waxay muddo 35 sano ah baadi-goob ugu jirtay sidii ay ku heli lahayd aqoonsi caalami ah, waxayna geed dheer iyo mid gaaban u kortay sidii ay u noqon lahayd qaran ka madax bannaan Soomaaliya.

26-kii December 2025, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dowladdiisu ay aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, halka Somaliland-na ay dhankeeda aqoonsatay Israa’iil, sida lagu xusay heshiiska labada dhinac.

Heshiiska kaddib, Israa’iil waxay magacawday Michael Lotem oo noqday danjireheeda u qaabilsan Somaliland, iyadoo la qorsheeyay in xafiis diblomaasiyadeed laga furo magaalada Hargeysa. Dhanka kale, Maxamed Xaaji ayaa noqday danjirihii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiyo Israa’iil, kaddib markii uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.

Somaliland waxay ku dhawaaqday inay safaaraddeeda rasmiga ah ka furanayso magaalada Qudus, halkii ay ka furan lahayd Tel Aviv, taasoo ka dhigaysa waddankii siddeedaad ee safaarad ku yeesha magaaladaas.

Qudus waa magaalo Muslimiinta u ah meel barakeysan, isla markaana ay Falastiiniyiintu u arkaan dhul Israa’iil ay xoog ku haysato. Waa arrin loo arko xariiq cas oo lama taabtaan ah, waana xudunta dagaalka muddada dheer soo socday ee u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

Israa’iil waxay dan weyn ka leedahay goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland, oo ku taalla marin muhiim ah oo u dhow Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Danahaas waxaa ka mid ah la socodka dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta Yemen iyo maraakiibta xiriirka la leh Iiraan. Dhanka Somaliland, qorshaheeda ugu weyn waxaa loo arkaa raadinta aqoonsi caalami ah, inkastoo aanay muuqan dan istiraatiiji ah oo u dhiganta tan Israa’iil.

Inkasta oo xukuumadda Somaliland ay aqoonsigan iyo is-dhaafsiga safiirrada u aragto guul weyn oo diblomaasiyadeed, haddana arrintan waxay gudaha Somaliland iyo bulshada dhexdeeda ka dhalisay dood ballaaran iyo diidmo xooggan.

Culimada diinta, siyaasiyiin iyo qaybo ka mid ah bulshada ayaa si adag uga horyimid xiriirkaas, iyagoo u eegaya dhinaca diinta iyo qaddiyadda Falastiin. Taas beddelkeeda, xukuumadda Somaliland waxay si adag u xakameysay hadallada saameyn kara xiriirka diblomaasiyadeed ama sawirka ay Somaliland ka bixinayso fagaarayaasha caalamka.

Culimada iyo madaxda dhaqanka waxaa inta badan laga codsadaa, ama lagu cadaadiyaa, inay ka fogaadaan hadallada kicin kara dareenka dadweynaha, ama abuuri kara khalkhal amni iyo mid siyaasadeed oo gudaha ah.

In laga hadlo arrimaha la xiriira heshiiska Israa’iil iyo Somaliland waxay qofka u horseedi kartaa cadaadis ama xarig. Inkastoo bilowgii bilihii la soo dhaafay qaar ka mid ah culimada diintu ay ku dhiirradeen inay gutaan mas’uuliyaddii ka saarneyd wacdiga iyo digniinta ku saabsan cawaaqibka ka dhalan kara in loo hiiliyo Yuhuudda, haddana digniinahooda lama dhageysan.

Mararka qaar, culimadu waxay ka baqaan in hadalladooda si khaldan loo fasirto, ama ay kooxaha xagjirka ahi ka faa’iideystaan. Taasina waxay halis gelin kartaa nabadda iyo xasilloonida gudaha.

Ugu dambeyn, aamusnaanta culimadu ma aha mid hal dhinac oo keliya ka timid. Waxaa ku lammaan cadaadis siyaasadeed, xeerar adag iyo ka-feejignaan la xiriirta ilaalinta naftooda, si ay uga badbaadaan xarig, xayiraad iyo cawaaqib kale oo ka dhalan kara hadalladooda.

- Advertisement -

Read more

Local News