Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay waxgaradka beesha Murasade ee ka tirsan beelweynta Hawiye.
Xubnahaasi oo isugu jiray xildhibaano, hoggaamiye dhaqameed, waxgarad, ganacsato iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Xasan Macalin.
Kulankan dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dhaqameedka, waxgaradka, iyo ganasatada beesha Murusade ayaa ahaa mid xambaarsan miisaan siyaasadeed iyo mid amni oo wax ka qabanaya xaalada amni ee magaalada Muqdisho..
Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xoojinta amniga caasimada iyo ku taageerida dawladda iyo laamaha amniga, maadaama beesha Murusade saameyn ku leedahay degmooyinka Dayniile iyo agagaarkeeda.
Waxay xubnaha kulanka ka qeyb-galay iyo madaxweynaha isla garteen muhimada amniga caasimada iyo in si wada jir ah looga wada shaqeeyo xoojintiisa.
Waxgaradka, odayaasha iyo xildhibaanada beesha Murusade waxay uga mahad celiyeen madaxweynaha iyo dowladdiisa doorkii ka qeybgalka munaasabada lagu duubayay Ugaaska Guud ee Beesha Murusade iyo garab-isgtaagii agabkii ay dowladda ku bixisay in munaasabadaas ay u dhacdo si nabad iyo deganaan leh.
Madaxwyenaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay waxgaradka beesha iyo qeybaha bulshada, isagoo sheegay in Madaxweynuhu inuu ogsoonyahay in nabadgelyada caasimadda aysan ku filnayn kaliya ciidanka dowladda, balse ay u baahantahay kalsoonida iyo xog-wadaagga dadka deegaanka.
Madaxweynaha yaa sheegay in kulankan uu xoojinayo in bulshada iyo odayaashu ay noqdaan indhaha iyo dhegaha laamaha amniga si looga hortago falalka nabad-diidka ah.
Kulankani ma ahayn oo kaliya is-arag, balse wuxuu xambaarsanaa is-afgarad istiraatiiji ah oo dowladda ay ku heshay taageerada mid ka mid ah beelaha ugu saameynta badan caasimadda si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida, halka beeshuna ay heshay aqoonsi iyo qaddarin heerkeedu sarreeyo oo ku aaddan hoggaankooda dhaqanka iyo doorkooda horumarineed.
Degmada Dayniile ayaa xudun u aheyd mudooyinkii u danbeeyay rabshado iyo dibadbaxyo looga soo horjeeday mashruuca guryo burburinta iyo goobaha danta guud ee shacabka deganaayeen, waxaana dibadbaxyadaasi ka faa’iideystay kooxaha mucaaradka oo u arkay fursad ay kaga faa’iideystaan danahooda.


