26.5 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Dekadda Muqdisho oo horumarro waaweyn gaartay iyo hiigsiga fog ee mustaqbalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay sameysay horumar muuqda oo dhinacyo badan leh, kadib markii maamulkeeda loo dhiibay Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko). Horumarkaasi wuxuu taabanayaa maamulka dekedda, adeegyada ganacsiga iyo qorshayaasha fog ee ballaarinta mustaqbalka.

Guulaha laga gaaray dekedda, gaar ahaan marka la eego qiimeynta Bangiga Adduunka iyo kooxda khubarada teknoolojiyadda ee S&P Global, oo sheegay in ay noqotay dekedda labaad ee ugu waxqabadka fiican dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, waa guul weyn oo taariikhi ah, marka loo eego tartanka adag ee dekedaha gobolka sida Mombasa iyo Jabuuti. Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in Dekedda Muqdisho ay gashay kaalinta 163aad ee 407 dekedood oo caalami ah.

Tan iyo markii uu maamulka la wareegay Danjire Maxamed Cali Nuur, waxaa mudnaanta koowaad la siiyay dib-u-habeynta hufnaanta shaqada iyo dhismaha kalsoonida shaqaalaha.

Dekedda Muqdisho waxay gaartay rikoor cusub oo taariikhi ah marka la eego xamuulka la maareeyay. Hal bil gudaheed ayay dekeddu maareysay 160,703 metric tonnes oo xamuul ah, taas oo noqotay waxqabadkii ugu sarreeyay ee taariikhda dekedda tan iyo markii la aasaasay.

Maamulka dekeddu wuxuu qaaday tallaabooyin waaweyn oo lagu dhiirrigelinayo ganacsiga caalamiga ah iyo kan maxalliga ah. Waxaa la ballaariyay, laguna soo kordhiyay, isticmaalka nidaamyada elektaroonigga ah ee lagula socdo xamuulka, taas oo yareysay waqtigii ay ganacsatadu ku qaadan jireen inay hantidooda kala baxaan dekedda.

Marka laga hadlayo dhinaca amniga, waxaa si weyn loo adkeeyay amniga gudaha dekedda iyo kan badda, iyadoo la kaashanayo ciidamada amniga iyo qalabka casriga ah ee lagu baaro kunteenarrada, taas oo dekedda ka dhigtay mid buuxisay shuruudaha badqabka caalamiga ah.

Adeegga shaqaalaha ayaa sidoo kale la horumariyay, waxaana la kordhiyay saacadaha shaqada dekedda si loo yareeyo ciriiriga maraakiibta, loona dardargeliyo dhoofinta iyo soo-dejinta.

Arrimaha bogaadinta mudan ee maareeyaha dekeddu ku soo kordhiyay waxaa ka mid ah nidaamka lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, iyadoo la hubiyay in dakhliga dekeddu si toos ah ugu dhaco khasnadda dowladda. Waxaa sidoo kale kor loo qaaday xirfadda shaqaalaha dekedda si ay ula jaanqaadaan isbeddellada casriga ah ee dekedaha caalamiga ah.

Maareeyaha dekeddu wuxuu xoojiyay xiriirka iyo kormeerka shirkadda Al-Bayrak ee gacanta ku haysa maamulka iyo shaqada dekedda, si loo xaqiijiyo inay u adeegto danta guud ee dalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Si dekeddu u qaaddo culeyska ganacsi ee sii kordhaya, waxaa la qorsheeyay in lagu sameeyo dib-u-habeyn, gaar ahaan qodista iyo ballaarinta moolalka, si maraakiibta waaweyn ee xamuulka qaada ay si toos ah ugu soo xiran karaan. Sidoo kale, waxaa qorshaha ku jirta in la kordhiyo meelaha ay maraakiibtu ku soo xirtaan iyo goobaha lagu keydiyo kunteenarrada.

Qorshaha fog ee maamulka ayaa ah in Dekedda Muqdisho aysan noqon oo keliya mid u adeegta Soomaaliya, balse ay noqoto marin ganacsi oo ay isticmaali karaan waddamada deriska ah ee aan badda lahayn, sida Itoobiya.

Hoggaanka Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) wuxuu dekedda u horseeday hufnaan maamul iyo kalsooni ganacsi. Isbeddellada maaliyadeed iyo kuwa amni waxay fure u noqdeen in Dekedda Muqdisho ay dakhli xooggan u soo xareyso Dowladda Federaalka, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta dhaqaalaha qaranka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa bilowgii sanadkan gaaray heshiis lagu horumarinayo mashaariic cusub oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, kuwaas oo laga fulinayo Dekedda Muqdisho. Waxaa sidoo kale heshiiskaas qeyb ka ah hirgelinta deked ballaaran, iyadoo dabayaaqada sanadkan la rajeynayo in la bilaabo qorshaha fulinta heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya. Heshiiska ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo ganacsiga, laguna kordhiyo dakhliga dowladda, isla markaana kor loogu qaado hufnaanta marinka ugu weyn ee badda ee dalku leeyahay.

- Advertisement -

Read more

Local News