26.4 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

DF oo Al-Shabaab ku tilmaamtay ciidankii soo weeraray Baydhabo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taiska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa ciidamada Lafta-gareen ee duulaanka soo qaaday ku tilmaamay Al-Shabaab, wuxuuna talisku sheegay in laga hortegay weerarkooda.

Bayaan kasoo baxay Taliska Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in kooxda ay soo weerartay bartamaha magaalada, balse khasaare culus loo gaystay.

Sidoo kale, Taliska ayaa tilmaamay inuu haatan uu wado tirakoob ku aadan khasaaraha iyo howlgal lagu dabagalayo firxadka ragga weerarka soo qaaday.

“Khawaarijta ayaa lagu kala eryay gudaha iyo daafaha magaalada, iyaga oo u firxaday si fuleynimo ah, halka ciidamada amniga weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray cadowga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale, taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Baay, Sadiiq Doodishe oo faah-faahin ka bixiyay dagaalka ayaa tilmaamay in ciidamada weerarka soo qaadeen ay yihiin dhalinyaro ay khaldeen rag siyaasiyiin oo ay carruurtoodu joogto dibadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Rag siyaasiin ah oo ilmahoodu aysan dalka joogin ayaa ilmo masakiin iyo agoon ah maanta soo qalday,waxaan lee yahay yaan dabka laydin ku shidan ee isaga hara oo isa soo dhiiba,” ayuu yiri Taliye Sadiiq Doodishe.

Xaaladd ayaa haatan deggan, inkastoo weli raadka dagaalka laga dareemayo magaalada Baydhabo oo lagu soo bandhigay muuqaallada askar dhaawacyo ah iyo gaadiid dagaal oo laga qabsaday ciidamada daacada u ah Lafta-gareen.

- Advertisement -

Read more

Local News