26.3 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

Faallo: Soo kabashada caasimadda iyo doorka maamul ee Jen. Muungaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Haddii aad muddo dheer qurbaha ku noolayd, dalkaaga ma ku noqotay, mise Xamar ayaad soo booqatay? Marka dhinac kasta laga eego, waxaa kuu muuqanaya ammaan iyo horumar degdeg ah. Waxaa la arkayaa dib-u-dhis ballaaran, gaar ahaan Muqdisho oo si xowli ah, oo mucjiso u eg, dib ugu soo kabanaysa.

Muqdisho, oo ah wadnaha iyo caasimadda Soomaaliya, waxay muddo dheer ahayd astaan u taagan adkaysi iyo dhabar-adayg. Inkastoo ay soo martay xaalado adag iyo burbur baaxad leh, maanta waxay maraysaa weji cusub oo dhismo, nabad iyo horumar ah. Horumarkan muuqda ma ahan mid iska yimid, balse wuxuu ka dhashay dadaal wadajir ah oo dhexmaray maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada caasimadda oo iskaashanaya.

Tan iyo markii Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab dib loogu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho 28-kii May 2025, wuxuu muujiyay hoggaan tusaale u ah isku-tashi iyo waxqabad. Iyadoo laga faa’iidaysanayo canshuuraha deegaanka, waxaa dib loo dhisay inta badan waddooyinkii burbursanaa, waxaana lagu xiray nalalka ku shaqeeya tamarta cadceedda. Tallaabadan waxay fududaysay isku-socodka dadka iyo gaadiidka, waxayna gacan ka geysatay in ganacsiyadu furnaadaan habeen iyo maalin.

Magaaladu waxay samaysay horumar la taaban karo oo dhanka kaabayaasha iyo dib-u-soo-kabashada dhaqaalaha ah. Dadaalladan waxaa hormuud ka ah maamulka gobolka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Muungaab, iyo hay’adaha nabadgelyada oo yeeshay isku-xir iyo iskaashi muuqda.

Hal sano ayaa ka soo wareegtay markii Jen. Muungaab dib loogu magacaabay maamulka caasimadda, oo ay ku nool yihiin in ka badan saddex milyan oo qof. Mudadaas, maamulka cusub wuxuu dardar geliyay qorshayaal lagu horumarinayo adeegyada bulshada, dib-u-dhiska kaabayaasha caasimadda iyo xoojinta maamulka deegaanka.

Mudnaanta ugu weyn ee maamulka waxay noqotay dib-u-dayactirka iyo dhismaha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, si loo hagaajiyo isku-socodka gaadiidka, loo yareeyo ciriiriga, loona soo celiyo bilicda iyo kaabayaasha burburay ee caasimadda. Waxaa sidoo kale si weyn loo ballaariyay waddooyinka interlock-ga ah ee laga hirgelinayo xaafadaha kala duwan, kuwaas oo kor u qaaday isku-socodka bulshada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Dhanka deegaanka, maamulka Gobolka Banaadir wuxuu xoogga saaray hagaajinta nidaamka biyo-mareennada iyo meelaha biyuhu ku ururaan, si loo yareeyo fatahaadaha xilliyada roobka. Dib-u-habeyntan waxay wax weyn ka taraysaa badbaadada shacabka iyo isku-socodka magaalada xilliyada roobabka culus, inkastoo weli meelaha qaar ay dhibaatadu ka taagan tahay. Shirkadihii hore u dhisay qaar ka mid ah goobahaas ayaa dib loogu celiyay, si mar kale looga shaqeeyo meelaha cabashooyinku ka yimaadeen.

Waaxda caafimaadka ayaa ka mid noqotay meelaha maamulka uu horumar muuqda ka sameeyay. Taageero ayaa la gaarsiiyay isbitaallada, xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee MCH-yada, iyo adeegyada caafimaadka bulshada, iyadoo diiradda la saaray tayeynta daryeelka hooyada iyo carruurta.

Sidoo kale, maamulka ayaa door muuqda ka qaatay badbaadinta carruurta qaba xanuunnada daran ee wadnaha. Carruur badan ayaa loo maalgeliyay qalliinno wadne iyo daaweyn takhasus leh oo lagu fuliyay xarumo caafimaad oo gudaha iyo dibadda ah, taasoo rajo cusub siisay qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Dhanka waxbarashada, maamulka ayaa horumariyay adeegyada waxbarashada iyo dayactirka xarumaha waxbarasho, si loo ballaariyo helitaanka waxbarasho tayo leh oo ay helaan carruurta ku nool caasimadda.

Waxaa sidoo kale la sameeyay dib-u-habeyn lagu casriyeynayo nidaamka canshuuraha, iyadoo laga dhigay hannaan ku shaqeeya nidaam casri ah oo sare u qaaday hufnaanta maamulka, isla-xisaabtanka iyo kobcinta dakhliga dowladda hoose. Tallaabadan ayaa door weyn ka qaadatay dardargelinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee caasimadda.

Mudadii sanadka ahayd ee uu xilka hayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa la hirgeliyay mashaariic horumarineed oo waaweyn. Sidoo kale, waxaa si weyn loo xoojiyay amniga caasimadda, iyadoo dadku ay maamulka iyo hay’adaha amniga ku ammaaneen dadaalka joogtada ah ee loogu jiro sidii Muqdisho u noqon lahayd caasimad casri ah oo la tartanta magaalooyinka waaweyn ee caalamka.

Dhanka maamulka iyo dimuqraadiyadda, Gobolka Banaadir wuxuu si weyn u taageeray hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo shacabka lagu dhiirrigeliyay inay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka goleyaasha deegaanka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa dimuqraadiyadda, ka qeybgalka bulshada iyo isla-xisaabtanka maamulka.

Haddaan dib ugu noqonno burburkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo xilliyadii adkaa ee ay soo martay, wuxuu ahaa burbur aan si fudud looga sheekeyn karin marka la eego baaxaddiisa iyo sida qoto dheer ee uu u saameeyay qeybaha kala duwan ee nolosha aasaasiga ah iyo adeegyada bulshada. Ma ahayn muuqaal ay indhahooda ku daawan karaan dad leh dareen iyo damiir bani’aadannimo. Wax badbaaday lama arkin. Geerida iyo burburku waxay ka mid noqdeen noloshii caadiga ahayd, dalkuna wuxuu galay fowdo iyo guuldarro qaran oo taariikhi ah.

Balse shacabka Muqdisho maanta way diideen in dib loogu noqdo aayahaas iyo taariikhdaas madow.

W/Q: Cali Muxiyaddiin
Email: [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News