26.1 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

Mareykanka oo u digay Xasan Sheekh iyo mucaaradka xilli ay kasii dareyso xiisadda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ay qeyb ka yihiin madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland inay uga sii daraan xiisadda taagan.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa looga digay rabshado iyo wax kasta oo xasillooni-darro abuuri kara oo ka dhex dhalan kara dowladda federaalka iyo mucaaradka. Si arrimahaas looga baaqsado ayaa ayey sheegtay safaaraddu in loo baahan yahay wada-hadal.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara rabshado ama xasillooni-darro.

“Waxaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay is-xakameeyaan, kana fogaadaan tallaabo kasta oo hurin karta rabshado ama xasillooni-darro. Waxaana ugu baaqeynaa wada-hadal,” ayay safaaraddu ku tiri qoraalkeeda.

Qoraalka Mareykanka ayaa yimid kadib markii xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Midowga Yurub iyo safaarado dhowr ah oo reer Yurub ah, oo ay ka mid yihiin Britain, Germany, France, Italy, Norway, Sweden, Switzerland, Netherlands, Belgium, Austria, Finland, Ireland, Poland, Portugal iyo Spain ay walaac ka muujiyeen xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wada-hadal, isla markaana ay heshiis ka gaaraan hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Baaqyada beesha caalamka iyo Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka ku saabsan doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilka hay’adaha federaalka.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay kadib markii wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan 15-kii May. Wada-hadalladaas ayaa diiradda lagu saarayay hannaanka doorashada, muranka dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee hay’adaha federaalka.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ekaa 15-kii May, isla markaana aan lagu sii shaqeyn karin hannaan aan lagu wada heshiin. Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sidoo kale ku baaqay bannaanbaxyo ay sheegeen inay ka dhici doonaan Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in dalka loo wado doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay isbeddel muhiim ah oo Soomaaliya ka saaraya hannaan doorasho dadban oo muddo dheer ku dhisnaa awood-qeybsi iyo xulasho beeleed.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay qabatay doorasho guud oo toos ah sanadkii 1969-kii, ka hor afgambigii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, doorashooyinka heer federaal ayaa inta badan ku dhacay hannaan dadban, waxaana madaxweynaha dooran jiray baarlamaanka.

Hase yeeshee, qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, iyadoo kooxaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay ku doodayaan in hannaan kasta oo doorasho lagu geli karo uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay xiriirka dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, awoodaha hay’adaha federaalka iyo kaalinta guddiga doorashooyinka qaranka.

Digniinta cusub ee beesha caalamka ayaa muujineysa cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo marxalad ka adag tan hadda taagan, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli wajahayso weerarro ka imanaya Al-Shabaab, xaalad amni oo jilicsan iyo baahiyo bani’aadamnimo oo soo noqnoqda.

Waxaa sidoo kale weli xusuusta ku jirta xiisaddii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muran ka dhashay muddo-kordhin uu sababay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, ka hor inta aysan dhinacyadii siyaasadeed dib ugu laaban wada-hadal.

Beesha caalamka ayaa hadda u muuqata inay doonayso in laga hortago in xaaladda siyaasadeed ee maanta taagan ay gaarto heerkaas oo kale.

- Advertisement -

Read more

Local News