29.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

Mareykanka oo caddeeyay in maamul goboleed uu ula macaamilo Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa muujisay in Somaliland ay ula macaamisho sidii maamul ka tirsan Soomaaliya, iyadoo Washington ay caddeysay inay aqoonsan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Washington ayaa warbixin rasmi ah oo ay u gudbisay Kongareeska ku faahfaahisay meelaha suurtagalka ah ee lagu xoojin karo wada-shaqeynta kala dhexeysa Somaliland.

Warbixintan oo cinwaankeedu yahay “meelaha uu Mareykanku wada-shaqeyn kala yeelan karo Somaliland” ayaa lagu sheegay in maamulka Somaliland uu muhiimad gaar ah u leeyahay danaha istiraatiijiyadeed ee Mareykanka, maadaama uu ku yaallo goob muhiim ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo xeebaha Badda Cas.

Sida lagu xusay warbixinta, Washington ayaa Somaliland u aragta meel muhiim ah oo kaalin ka qaadan karta ilaalinta amniga gobolka Geeska Afrika iyo marinada caalamiga ah ee ganacsiga, kuwaas oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo amniga caalamka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale warbixinteeda ku tilmaantay Somaliland saaxiib amni oo muhiim ah, iyadoo xustay in iskaashiga labada dhinac uu gacan ka geysan karo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala gobolka.

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay door ka qaadan karto la socodka iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka, gaar ahaan xiriirrada la sheegay inay ka dhexeeyaan Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo si isa soo taraya walaac ugu haya Mareykanka iyo xulafadiisa.

Dhanka kale, waxaa lagu xusay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu xiriir joogto ah la leeyahay mas’uuliyiinta Somaliland, isla markaana uu qiimeynayo fursado dheeraad ah oo lagu ballaarin karo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in wada-shaqeynta amni ay ka mid noqon karaan tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga xogaha sirdoonka iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga xeebaha iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

Dhanka diblomaasiyadda, waxaa lagu sheegay in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay booqashooyin joogto ah ku tagto maamulka Somaliland, kuwaas oo looga arrinsado xaaladaha amniga, gargaarka bani’aadannimo, horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Dhinaca dhaqaalaha, Mareykanka ayaa tilmaamay in dekedaha Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, ay leeyihiin fursado ballaaran oo maalgashi iyo ganacsi. Berbera ayaa warbixinta lagu tilmaamay marin muhiim u noqon kara dalalka gobolka, gaar ahaan Itoobiya oo aan lahayn xeeb.

Inkastoo warbixintu ay si weyn u iftiimisay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland iyo fursadaha wada-shaqeyn ee jira, haddana waxay si cad u adkeysay in siyaasadda rasmiga ah ee Mareykanku ay weli tahay taageeridda Soomaaliya mideysan.

Warbixinta ayaa Somaliland ku tilmaantay gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aan wax isbeddel ah lagu sameyn mowqifka Washington ee ku aaddan midnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News