Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay xaaladda soo korortay ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu galay marxalad adag oo xasaasi ah, isla markaana dagaallada qarxay ay halis ku yihihiin mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu weeraray madaxdii hore, isla markaana uu awood dowladnimada u adeegsanayo damaciisa gurracan, sida uu hadalka u dhigay.
“Weerarka uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday xalay uu ku qaaday hoyga madaxdii hore ee dalka iyo dagaalka uu ka wado caasimaadda Muqdisho waa fal halis ku ah dowladnimada, nabadda iyo xasilloonida caasimadda, muujinayana heerka uu gaaray damaca gurracan ee Madaxwaynihii Hore oo awoodda dowladnimada u adeegsanaya xukun maroorsi iyo afduubka masiirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu Farmaajo ku yiri muuqaal uu soo duubay.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in isagoo waqtiqiisa dhammaday uusan xoog ku qabsan karin dalka, loona baahan yahay in ka waantoobo waddada uu qaaday.
“Dalkaan xoog kuma haysan kartid waqtigaagii wuu dhamaaday, shalayna cidna xoog kuma haysan karin ee talada kusoo laabo oo cid haku dilin hana ku dhaawicin,’ ayuu markale yiri Farmaajo.
Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday muddu xileedkiisii hore, maadaama dalka u halis galay, isaga sheegay in xilligaas ololaha socday uu hoggaaminayo Xasan Sheekh, uuna dumiyay dowladdiisa, sida uu ku dooday Farmaajo
“Dowladeydii adigaa dumiyey oo Mirinaayo galay, cid ku weerartayna majirin ee adigaa dadka ugu sheekeynayey,” ayuu sii raaciyey Madaxweynihii hore ee dalka.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo xaalado siyaasadeed ee dalka ay si degdeg ah ugu beddelay gacan ka hadal, kadib markii ay isku dhaceen dowladda iyo mucaaradka oo isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka dalka.

