28.3 C
Mogadishu
Friday, June 5, 2026

Xaaladda magaalada Muqdisho maanta – Maxaa socda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa saaka deggan, kadib xiisadihii iyo dhaq-dhaqaaqyadii ciidan ee maalmihii lasoo dhaafay ka jiray qeybo ka mid ah caasimadda.

Inkasta oo xaaladdu deggan tahay, haddana weli lama kala qaadin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ilaalada u ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Sheekh Shariif ay weli ku sugan yihiin degmada Cabdicasiis, iyagoo ka biyo-diiddan inay ka baxaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin.

Dhanka kale, waxaa weli socda dadaallo isugu jira waanwaan iyo wada-hadallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.

Odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku howlan sidii loo gaari lahaa is-afgarad buuxa oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Saameynta xiisadda amni ayaa sidoo kale laga dareemay magaalada, iyadoo maanta oo Jimce ah ay yaraadeen dadkii tagi jiray xeebta Liido, oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan Muqdisho maalmaha fasaxa.

Dhanka kale, wafdi sare oo ka socda dowladda Turkiga ayaa la sheegaya inuu dalka u yimid sidii uu qeyb uga noqon lahaa dadaallada dhex-dhexaadin ee siyaasiyiinta Soomaalida, xilli beesha caalamku ay ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay wada-hadal iyo is-afgarad ku xalliyaan khilaafaadka taagan, si loo ilaaliyo xasilloonida dalka.

Khilaafka ka dhashay doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilka hay’adaha federaalka ayaa sii xoogaystay kadib markii wada-hadallo u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan 15-kii May.

Wada-hadalladaas ayaa diiradda lagu saarayey hannaanka doorashada, muranka dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee hay’adaha federaalka. Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ekaa 15-kii May, isla markaana aan lagu sii shaqeyn karin hannaan aan lagu wada heshiin.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sidoo kale wada abaabulka bannaanbaxyo ay sheegeen inay ka dhici doonaan Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in dalka loo wado doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay isbeddel muhiim ah oo Soomaaliya ka saaraya hannaan doorasho dadban oo muddo dheer ku dhisnaa awood-qeybsi iyo xulasho beeleed.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay doorasho guud oo toos ah qabatay sanadkii 1969-kii, ka hor afgambigii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, doorashooyinka heer federaal ayaa inta badan ku dhacay hannaan dadban, waxaana madaxweynaha dooran jiray baarlamaanka.

Hase yeeshee, qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, iyadoo kooxaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay ku doodayaan in hannaan kasta oo doorasho lagu geli karo uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay xiriirka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, awoodaha hay’adaha federaalka iyo kaalinta guddiga doorashooyinka qaranka.

Si kastaba, beesha caalamka ayaa muujineysa cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo marxalad ka adag midda hadda taagan, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli wajahayso weerarro ka imanaya Al-Shabaab, xaalad amni oo jilicsan iyo baahiyo bini’aadantinimo oo soo noqnoqda.

Waxaa sidoo kale weli xusuusta ku jirta xiisaddii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muran ka dhashay muddo-kordhin uu sababay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, ka hor inta aysan dhinacyadii siyaasadeed dib ugu laaban wada-hadal.

Beesha caalamka ayaa hadda u muuqata inay doonayso in laga hortago in xaaladda siyaasadeed ee maanta taagan ay gaarto heerkaas oo kale.

- Advertisement -

Read more

Local News