28.8 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Xilliga Cirro uu booqanayo Israa’iil oo la shaaciyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda booqasho ku tago Israel, halkaas oo lagu wado in lagu furo safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus, sida uu qoray wargeyska Israel ee Yedioth Ahronoth.

Warbixinta ayaa sheegtay in booqashadu dhici doonto inta u dhaxeysa 15-ka illaa 17-ka June, isla markaana Cabdiraxmaan Cirro uu la kulmi doono madaxweynaha Israel Isaac Herzog iyo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Yedioth ayaa sheegtay in qodobka ugu weyn ee booqashada uu noqon doono furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus, oo Hargeysa ay u aqoonsatay caasimadda Israel.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Somaliland laba jeer oo hore la filayay inuu booqdo Israel, balse labada safarba dib loo dhigay sababo kala duwan awgood.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland ama Israel oo lagu xaqiijiyay booqashada la sheegay.

Booqashadan ayaa imaaneysa kadib markii Israel ay bishii December ee sanadkii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga hortimid aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, waxayna ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mowqifka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u cambaareeyay qorshaha Somaliland ee ah inay safaarad ka furato Qudus, isagoo ku tilmaamay “musiibo weyn” iyo “ceeb”.

“Ma dhici karto maanta in qeyb dalkeena ka mid ah ay tagto Israel,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo ka hadlayay Muqdisho kadib salaaddii Ciidda.

“Israel kuma duulin, dowladnimadeedana ma diidin. Waxaan niri dowlad noqda,” ayuu yiri.

“Laakiin waa musiibo weyn inoo ah inaan niraahno calan ay ku qoran tahay ‘Laa ilaaha illallah, Muxammad Rasuulullaah’ ayaan ka taagaynaa halkaas, kadibna aan niraahno Qudus Israel baa leh, waana caasimaddeeda,” ayuu sii raaciyay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalal badan oo aan Muslim ahayn ay ka gaabsadeen inay safaaradahooda u raraan Qudus, sababo la xiriira muranka siyaasadeed iyo diimeed ee ka taagan magaaladaas.

“Dunida aan Muslimka ahayn way ka xishootay inay sidaas tiraahdo oo safaaraddeeda u rarato Baytul Maqdis,” ayuu yiri.

“Maanta in nin Soomaali ah uu calan halkaas ka taago oo yiraahdo waxaan safaaraddeena ka fureynaa magaalada saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, qibladii koowaad, waa ceeb,” ayuu yiri.

Soomaaliya ma aqoonsana Israel, waxaana dowladihii kala dambeeyay ee Muqdisho ay taageereen xuquuqda Falastiiniyiinta iyo in Bariga Qudus uu noqdo caasimadda dowlad Falastiin leedahay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Somaliland aan lagu eedeyn karin go’aannada ay qaataan hoggaankooda.

“Walaalaheenna waqooyi ku nool waxaan leenahay: arrintan nama qabaneyso, mana aqbaleyno ceebtan in magaciinna lagu galo,” ayuu yiri.

Cambaareynta OIC

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa isna horey u cambaareeyay wararka sheegaya in Somaliland ay safaarad ka furaneyso Qudus.

OIC ayaa sheegtay inay ka muujineyso “walaac qoto dheer iyo cambaareyn xooggan” wararka sheegaya in Somaliland ay dooneyso inay “safaarad” ka furato “Al-Quds la haysto”.

Ururka ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay “jebin cad oo ka dhan ah rabitaanka bulshada caalamka”, isla markaana ay xadgudub ku tahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya Qudus.

OIC ayaa sidoo kale sheegtay in Israel aysan lahayn “madax-bannaani” ay ku sheegan karto Bariga Qudus, oo ay ku tilmaantay caasimadda dowladda Falastiin.

Waxay intaas ku dartay in tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed, demografiyadeed ama juqraafiyeed ee magaalada ay tahay “waxba kama jiraan marka loo eego sharciga caalamiga ah”.

OIC ayaa sheegtay inay la taagan tahay “garab-istaag buuxa oo aan leexleexad lahayn” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taageertay madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya.

Qudus ayaa ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan colaadda Israel iyo Falastiin. Israel waxay magaalada oo dhan u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay doonayaan in Bariga Qudus uu noqdo caasimadda dowladdooda mustaqbalka.

Inta badan dalalka caalamka ayaa safaaradahooda ku haya Tel Aviv ama hareeraheeda, maadaama xaaladda Qudus ay weli tahay arrin aan lagu heshiin.

Haddii ay dhacdo, booqashada la sheegay ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee Cabdiraxmaan Cirro ku tago Israel tan iyo markii labada dhinac ay xiriir diblomaasiyadeed yeesheen bishii December ee sanadkii hore.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News