Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wadda howlgalka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo xaafadaha ay joogaan ciidanka mucaaradka oo dhawaan dagaalka la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Taliyaha Qaybta Guud Ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo qoraal soo saaray shaaca ka qaaday in weli ay sii wadaan howlgallada, isla markaana ujeedkooda uu yahay uruurinta hubka sharci darrada ah.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayna soo sheegaan xogta haddii ay arkaan hub sharci darro ah, si ay dowladda ula wareegto.
“Hay’addaha amaanka wali waxa ay wadaan Howlgalkii sareynta sharciga iyo xakameyta hubka sharcidarada ah, muwaadin hadii aad xog ku soo gaarto la soo wadaag nambarada gaaban 991 amma 199,” ayuu yiri Macallin Mahdi.
Wararka ayaa sheegaya in howlgalka uu gaaray degmooyin horleh oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedka, gaar ahaan dhanka deegaanka Jaziira, halkaas oo laga dareemay dhaq-dhaqaaq ciidan.
Horay ciidamada ayaa howlgal hub lagu soo qabtay uga sameeyay degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis oo kamid ah meelihii ay joogeen mucaaradka, kadibna howlgalka waxa uu u wareegay dhanka Degmada Gubadley oo la sheegay inay tageen ciidamo Macawiisley ah oo daacad ah wasiirkii hore amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, kuwaas oo ugu dambeyn u baxsaday dhanka Gobolka Shabeellaha Dhexe oomarkii horeba lagu aas aasay.
Si kastaba, xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa hadda deggan, waxaana soconayo shirar siyaasadeed iyo dadaallo lagu dhex dhexaadinayo mucaaradka iyo dowladda, kuwaas oo ay qayb ka tahay dowladda Turkiga, si la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda dadaallada haatan socda oo diiradda lagu saarayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kana dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah.

