27.8 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta Turkigu ka dhex wado DF iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo xasaasi ah oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadallada ayaa waxaa duur muuqdo ka qaadanayo diblumaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka Turkiga oo hadda ku sugan Muqdisho, kuwaas oo dadaal ku bixinaya in la qaboojiyo xiisadda.

Wararka ayaa sheegaya in haatan xubnaha mucaaradka ay sidii hore kasoo dhawaadeen, isla markaana ay aqbaleen ka qayb-qaadashada wada-hadallada uu hormuudka u yahay Turkiga oo haatan ah saaxibkaa 1-aad ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa haatan shir gaar ah la leh xubnaha ka socda dowladda Turkiga, iyaga oo kadib u diyaar garoobayo wada-hadallo ay la galayaan Villa Somalia, kuwaas oo ujeedkooda uu yahay in xal lagu gaaro, si soo afjaro khilaafka ka taagan doorashada oo gacan ka hadal isku beddelay.

Sidoo kale, waxaa dadaallada socda qayb ka ah madaxda Jubbaland iyo Puntland ee la safan mucaaradka, maadaama ay iskula jiraan Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo iyana laga war sugayo inay caddeeyaan mowqifkooda wada-hadallada socda ee uu garwadeenka ka yahay Turkiga.

Waxaa kale oo qorshuhu yahay in dhinacyadu ay ka heshiiyaan ajendaha guud ee wada-hadallada, iyada oo kadib la jadwaleyn doono, si looga miro dhaliyo wada-hadallada u bilaabanaya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Dadaalladan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay sii laba kacleyneyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac oo dagaal ka dhalisay magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ku dhex-maray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News