Baydhaba (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa goordhow kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo, isaga oo si rasmi ah loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaga oo aan iska casilin xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya la tartamay musharrax Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo uu kaga guuleystay tartanka doorashada.
Aadan Madoobe ayaa kusoo baxay cod aqlabiyad leh, wuxuuna helay 88 cod, halka musharraxa kalena uu helay 1 cod oo kaliya, sidaas wuxuu ku noqday Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee beddalaya Cabdicasiis Lafta-gareen.
Natiijada doorashadan ayaa lasii ogaa, maadaama uu Aadan Madoobe taageero xooggan ka haystay Villa Somalia, oo iyadu galaangal xoogan ku leh arrimaha Koonfur Galbeed. Sidoo kale wuxuu fursad kale ka helay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo arkay musharraxa keliya ee awood ahaan iyo saameyn ahaan si dhab ah ula tartami karay Aadan Madoobe, kaas oo gebi ahaanba isaga baxay doorashada, kadib markii uu qaadacay hannaanka loo wado.
Kala baxa doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, iyadoo mucaaradka ay horay u diideen qaabka loo mareeyay doorashadaas.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin mucaaradka.

