27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 10, 2026

Cartan oo shaaciyay qorshiisa kadib diidmada Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo saaka dib ugu soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho oo loogu sameeyay soo dhaweyn heer sare ah ayaa ka hadlay qorshihiisa xiga kadib diidmada Mareykanka oo looga hor istaagay inuu dalkaas uga qayb-galo koobka Adduunka.

Cartan oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ka codsaday shacabka inay difaacaan magaca Soomaaliya, isla markaana ay laba jibaaraan dadaalkooda, si loo xaqiijiyo himilooyinka muhiimka u ah dalkeenna.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in uusan rajo dhigin, isla markaana uu qorsheynayo inuu ka qayb-gao Koobka Adduunka ee soo socda.

“Waxaan idiin ballan qaadayaa in haddii Alle yiraahdo midda xigta aan aadi doono… shacabka Soomaaliyeedna ay ku farxaan, waana inaan dhammaanteen difaacno magaca Soomaaliya,” ayuu yiri Cumar Cartan

Garsoore Cumar oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda fiinaal-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska mas’uuliyiinta, kaddib markii laga hor istaagay inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee Miami ee Mareykanka, taas oo dhalisay hadal-heyn xoogan oo qabsatay fagaareyaasha waa wayn ee caalamka.

Cartan ayaa weli ah garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee taariikhda loo doortay in uu dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka ee FIFA, waxaana maanta siyaabo kala duwan u qaabilay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo garab istaag u muujiyay.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in munaasabad kale oo wayn galabta loogu qabto garoonka Muqdisho Stadium, halkaas oo ay isugu tegi doonaan madax iyo shacab ka xun, sida loola dhaqmay garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Cumar Cartan oo ah nin dhalinyaro oo sameeyay adaal xirfadeed oo wayn ayaa horay u sheegay in lala yeeshay waraysi dhanka socdaalka ah oo qaatay 11 saacadood ka hor inta aan loo diidin in uu ka qeyb galo koobka adduunka ee Mareykanka inkastoo uu heystay “warqadaha saxda ah” iyo “fiisaha saxda ah” sida uu sheegay.

- Advertisement -

Read more

Local News