Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey bisayl uu sheegay inay muujiyeen xildhibaannada, guddoonka iyo musharraxiinta madaxtinimada ee ku loollamay doorashooyinkii ka dhacay dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo Alle uga rajeeyey hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay deegaanka, aniga oo u rajeynayaa in uu xoogga saaro mideynta bulshada Koonfur Galbeed, islamarkaana ka shaqeeyo nabadda, horumarka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee ay shacabka Koonfur Galbeed sida tooska ah uga qayb-galeen ay bog cusub u fureen taariikhda dimuqraadiyadeed ee dalka, isla markaana ay muujiyeen biseyl siyaasadeed, wacyi bulsho iyo sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Sidoo kale wuxuu ku ammaanay boqolaalkii kun ee shacabka ahaa ee ka qayb-galay doorashooyinka dhacay adkeysigii, dulqaadkii iyo sidii ilbaxnimada lahayd ee ay uga qayb qaateen geeddi-socodka doorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa xusay in ka qaybgalka ballaaran ee shacabka uu yahay tusaale muujinaya kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, nabadda iyo mustaqbalka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Aadan Madoobe ayaa la sheegay inuu kusoo baxay cod aqlabiyad leh, wuxuuna helay 88 cod, halka musharraxa kalena uu helay 1 cod oo kaliya, sidaas wuxuu ku noqday Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee beddalaya Cabdicasiis Lafta-gareen.
Natiijada doorashadan ayaa lasii ogaa, maadaama uu Aadan Madoobe taageero xooggan ka haystay Villa Somalia, oo iyadu galaangal xoogan ku leh arrimaha Koonfur Galbeed.
Sidoo kale wuxuu fursad kale ka helay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo arkay musharraxa keliya ee awood ahaan iyo saameyn ahaan si dhab ah ula tartami karay Aadan Madoobe, kaas oo gebi ahaanba isaga baxay doorashada, kadib markii uu qaadacay hannaanka loo wado.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin mucaaradka.

