27.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Iiraan oo balaayin dollar ka qaaday Imaaraadka Carabta si looga joojiyo weerarada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inuu ogolaaday in Iran loo fasaxo balaayiin dollar, tallaabo la sheegay inay qeyb ka tahay isbeddel xeeladeed oo dhacay kadib toddobaadyo ay Iran weerarro ku qaaday dalkaas Khaliijka ah intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Israel ay kula jireen Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Afar ilo-wareed ayaa Reuters u sheegay in tallaabadan, oo aan hore loo shaacin, ay kusoo aaday xilli ay meel gabagabo ah marayaan wada-hadallo ballaaran oo Tehran iyo Washington uga socda joojinta dagaalka.

Diblomaasiyiin ayaa sheegay in wada-hadalladaas ay qeyb ka noqon karaan in Iran loo fasaxo tobanaan bilyan oo dollar oo ah dakhliga shidaalkeeda, kuwaas oo ku xayiran bankiyo shisheeye sababo la xiriira cunaqabateynta Mareykanka.

Laba ilo-wareed oo gobolka ah ayaa sheegay in Imaaraadka uu ogolaaday in Iran loo sii daayo lacag dhan 10 bilyan oo dollar, islamarkaana in ka badan saddex bilyan oo dollar horey loo gaarsiiyey.

Laba ilo-wareed kale oo xog ogaal u ah qorshaha ayaa sheegay in lacagta guud ee laga hadlayo ay gaareyso 20 bilyan oo dollar, iyagoo intaas ku daray in tallaabada lagu heshiiyey ay qeyb ka tahay dadaal lagu joojinayo weerarrada Iran ee ka dhanka ahaa Imaaraadka.

Mid ka mid ah ilahaas ayaa sidoo kale sheegay in qeybtii ugu horreysay oo dhan saddex bilyan oo dollar horey loo diyaariyey ama loo fasaxay.

Imaaraadka oo si adag u beeniyey

Reuters ma xaqiijin in lacagaha la sheegay in la wareejinayo ay yihiin hanti uu leeyahay Imaaraadka, iyo in kale inay ka mid yihiin lacagihii Iran ee muddada dheer ku xayirnaa nidaamka bankiyada Imaaraadka ama dalal kale.

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay subaxnimadii Sabtida si adag ugu beenisay wararka sheegaya in lacagahaas la wareejiyey, oo ay ku jiraan sheegashada la xiriirta saddexda bilyan ee dollar.

Wasaaradda ayaa sheegtay in wararkaas ay yihiin “kuwo gebi ahaanba been ah oo aan sal lahayn,” waxayna ku adkeysatay in Imaaraadka uusan sii deyn, wareejin ama fududeyn wax lacag ah oo Iran uga xayirnaa cunaqabateyn.

War-saxaafadeedka Imaaraadka ma bixin faahfaahin dheeraad ah.

Ka hor inta aan la soo saarin beeninta, sarkaal Imaaraati ah oo Reuters wax ka weydiisay arrintan ayaa sheegay in siyaasadda dibadda ee Abu Dhabi ay ku dhisan tahay dejinta xiisadaha iyo taageeridda nabadda gobolka.

“Siyaasadda dibadda ee Imaaraadka waxaa hagaya dadaalka lagu dhimayo xiisadaha gobolka, iyadoo la horumarinayo nabad iyo xasillooni waarta,” ayuu yiri sarkaalku.

Weerarkii ugu dambeeyey ee Iran

Aqalka Cad weli kama uusan jawaabin codsi faallo ah oo laga dalbaday arrintan.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa Jimcihii sheegay in wax lacag ah aan loo sii deyn doonin Iran keliya sabab la xiriirta inay saxiixdo heshiis ama ka qeyb gasho kulan.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiska suuragalka ah loo qaabeeyey qaab hubinaya in Tehran ay hesho faa’iidooyin dhaqaale kaliya haddii ay fuliso waajibaadkeeda.

Ma jirin jawaab degdeg ah oo ka timid mas’uuliyiinta Iran.

Ilaha Reuters la hadlay dhammaantood waxay diideen in magacyadooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Qorshahan lagu warramay ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka Imaaraadka iyo Iran, kaas oo bilihii dagaalka uu hareeyay cadaawad muuqata.

Weerarrada Iran ayaa la sheegay inay saameyn xooggan ku yeesheen Imaaraadka, gaar ahaan Dubai, halkaas oo hoteello ay martidu ka baxday, qaar ka mid ah ajaaniibta degganna ay dalka isaga baxeen, iyadoo dhaawac soo gaaray sumcaddii amni ee Dubai ka dhigtay xarun ganacsi oo caalami ah.

Weerarkii ugu dambeeyey ee la og yahay in Iran ay si toos ah ugu qaadday Imaaraadka ayaa dhacay 4-tii May, markaas oo la beegsaday dekedda Fujairah ee ku taalla Gacanka Cumaan.

Xisaab siyaasadeed iyo dhaqaale

Mid ka mid ah ilaha xogta haya ayaa sheegay in qorshahan uu siinayo dhinacyada kala duwan waddo ay uga baxaan colaadda, iyadoo mid walba uu ilaalinayo khadkiisa cas.

Sida uu sheegay, Iran waxay ku doodi kartaa inay magdhow u heshay khasaaraha dagaalka, Washington waxay ku adkeysan kartaa in aysan wax lacag ah bixin, halka Abu Dhabi ay hesho amni iyo ilaalinta kaalinta Dubai ee xarun ganacsi, iyadoo tallaabada u dhigeysa mid lagu dhisayo kalsooni gobolka ah.

Ilo kale ayaa sheegay in lacagta lagu sii deynayo heshiis ku saabsan in Iran joojiso weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah Imaaraadka.

Ishaas ayaa intaas ku dartay in qorshuhu sidoo kale horseedi karo dib-u-dhis lagu sameeyo xiriirka labada dal, oo ay ku jiraan iskaashi sirdoon iyo mid dhaqaale.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Iran ay ugu yaraan laba dal oo kale oo Khaliijka ah kala hadashay qaab la mid ah kan Imaaraadka.

Wada-hadallada u dhexeeya Tehran iyo Abu Dhabi ayaa la sheegay inay billaabmeen dhowr toddobaad ka hor, balse ay dardar galeen markii saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ay toddobaadkii hore booqdeen Abu Dhabi.

Saraakiishaas ayaa la kulmay Sheikh Tahnoun bin Zayed Al Nahyan, la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha Abu Dhabi, waxaana la sheegay inay degeen hoyga martida ee uu leeyahay.

Safarkaas kadib, saraakiil Imaaraati ah ayaa tegay Tehran si ay ugala hadlaan faahfaahinta habka lacagaha loo fasaxayo.

Hanti badan oo Iran uga xayiran Dubai

Qorshahan ayaa kusoo beegmaya xilli Dubai ay muddo dheer ahayd mid ka mid ah halbowlayaasha dhaqaale ee Iran, gaar ahaan ganacsiga, xawaaladaha iyo nidaamka bangiyada.

Bankiyada Dubai ayaa muddo dheer lagu sheegay inay hayeen lacago badan oo xiriir la leh Iran, hase yeeshee qeyb weyn oo ka mid ah hantidaas ayaa xayiran sababo la xiriira cunaqabateynta Mareykanka.

Cunaqabateyntaas ayaa bankiyada caalamiga ah uga digeysa inay la macaamilaan hay’ado ama shaqsiyaad Iran ah oo liiska madow ku jira, haddii kale ay halis ugu jiraan in laga gooyo nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka.

11-kii April, ilo sare oo Iran ah ayaa sheegay in Mareykanka uu ogolaaday in la sii daayo hanti Iran uga xayiran Qatar iyo bankiyo kale oo shisheeye, inkastoo sarkaal Mareykan ah uu si degdeg ah u beeniyey sheegashadaas.

Isha Iran ee xilligaas hadashay ayaa sheegtay in furitaanka hantida la xayiray uu “si toos ah ugu xiran yahay” xaqiijinta badqabka marin-biyoodka Hormuz, oo ah qodob muhiim ah oo ku jira wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda.

- Advertisement -

Read more

Local News