Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa weli sii wada dadaalladooda ku aadan dhex-dhexaadinta madaxda Dowadda Federaalka iyo kuwa mucaaradka, si loo bilaabo wada-hadallo toos ah oo xal loogu raadinayo khilaafka hareeyay hannaanka doorashooyinka dalka.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan, kadib cadaadis aan kala joogsi lahayn oo ay saartay Beesha Caalamka, oo iyadu farogelin, billowday kadib dagaalkii dhawaan labada dhinac ku dhexmaray xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland ayaa haatan soo magacaabay guddi farsamo oo loo xil saaray isku dubbaridka dadaallada lagu doonayo in lagu bilaabo wada-hadal u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddigan ayaa ka kooban xubno kala metelaya Madasha Samatabixinta iyo labada maamul ee ku midoobay Golahan, waxayna kala yihiin;-
1- Wasiir hore Maxamed Dhabancad oo metelaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, 2-Cabdirashiid Jire oo isna metelaya Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo saddex xubnood oo kale oo iyana metalaya mucaaradka Muqdisho, kuwaas oo kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Cabdiraxmaan Ceynte.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnahan ay diiradda saari doonaan sidii loo mideyn lahaa dadaallada kala duwan ee Beesha Caalamka ee ku aadan xal ka gaaridda khilaafka ka taagan dalka ee ka dhashay arrimaha doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah.
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wadda diyaar garow ku aadan wada-hadallada bilaabanaya oo ay door weyn ku leeyihiin dalalka Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo qaaday tallaabooyin lagu qaboojinayo xiisadda taagan.
Dadaalladan oo maalmo badan socda ayaa haatan uu muuqdo kuwa suuragelin kara in markale ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan dowladda iyo mucaaradka oo horay ugu kala kacay shirar kala duwan oo ay yeesheen.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad xasaasi ah oo ka dhalatay is mariwaaga siyaasadeed ee dhinacyadan, taas oo keentay in qalqal amni laga dareemo gudaha caasimada, inkastoo haatan xaaladdu ay dagan tahay.

