27.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Muungaab oo furay imtixaan laga qaadayo 46,000 oo arday + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir, kaas oo ay sanadkan u fariisteen in ka badan illaa 46,000 oo arday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaanka oo lagu galayo 125 xarumood oo ku kala yaalla degmooyinka gobolka Banaadir loo sameeyay diyaar-garow dhammaystiran oo lagu xaqiijinayo habsami-u-socodka imtixaanka, amniga xarumaha iyo ilaalinta tayada maamulka imtixaanaadka.

Sidoo kale, imtixaanka sanadkan ayaa lagu daray adeegyo iyo duruufo u gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si’ loo xaqiijiyo helitaanka fursad loo siman yahay.

Ugu horreyn munaasabadda daah-furka imtixaanka waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo sheegay in ay si weyn ugu diyaar garoobeen imtixaanka, isla markaana ay diyaariyeen wax kasta oo ay u baahan yihiin ardayda.

“Xarun kasta oo imtixaan lagu galayo waxaa la geeyay kooxo caafimaad, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo ciidamada dab-damiska, si loogu diyaargaroobo xaalad kasta oo soo derista inta uu socdo imtixaanka.” ayuu yiri, agaasime Cabdiraxmaan Cali Maxamed.

Intaas kadib Duqa Magaalada Muqdisho oo hadalka qaatay aya ardayda guul u rajeeyay, isaga oo ballan qaaday in maamulka gobolka uu sanadkan sii wadi doono dhiirrigelinta iyo abaalmarinta ardayda kaalmaha hore ka gala imtixaanka, sida uu soo-jireenka ka dhigay sanadkii hore.

Si kastaba, ha’ahaatee, Waxaa xusid mudan in sanadkan markii ugu horreysay ay imtixaanka ka qaybgalayaan arday muwaadiniin reer Suudaan ah oo waxbarasho ka dhigta magaalada Muqdisho, arrintaas oo muujinaysa kaalinta ay caasimaddu ka qaadanayso taageeridda waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee walaalaha soo magansaday.

Munaasabadda daah-furka imtixaanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News