26.3 C
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2026

Aadan Madoobe oo ka degay Muqdisho kadib markii uu soo qaatay kursiga K/G + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safarkoodii ugu horreeyey tan iyo markii loo doortay hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdiga hoggaamiyaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin kala duwan oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Soo dhoweynta waxaa ka qeyb-galay xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin sare oo dowladeed, oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey dhammaan masuuliyiinta, xildhibaannada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Sidoo kale, hoggaamiyuhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyey hanaankii doorasho ee ka qabsoomay Dowladda Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in ay ku dhacday jawi nabdoon, hufnaan iyo wadajir lagu muujiyey rabitaanka shacabka iyo hay’adaha maamulka.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyey in maamulka Koonfur Galbeed uu mudnaan gaar ah siin doono xoojinta nabadgelyada, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta dowlad-dhiska.

Ugu dambeyn, wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, si loo gaaro horumar waara iyo xasillooni siyaasadeed oo dalka oo dhan ah.

- Advertisement -

Read more

Local News