26.6 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Kadib heshiiskii ay la gashay Iiraan, dowladda Mareykanka oo Israa’iil u diiday in aragto…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Mareykanka ayaa diiday codsi rasmi ah oo Israel ay ku dooneysay in lagu siiyo fursad ay ku eegto faahfaahinta is-afgarad cusub oo dhexmaray Tehran iyo Washington, sida ay weriyeen warbaahinta Israel.

Warbixinno ay baahiyeen Channel 12 iyo i24 ayaa sheegay in Tel Aviv ay Washington u gudbisay codsi rasmi ah oo ay ku dalbaneysay in loo oggolaado “dib-u-eegis” lagu sameeyo MoU-ga cusub ee Mareykanka iyo Iran, balse maamulka Mareykanka uu arrintaas ka hor istaagay.

Sida uu sheegay weriyaha Channel 12 ee Yaron Avraham, Israel weli si buuxda uma oga qodobbada ku jira is-afgaradka, inkastoo heshiiska uu si toos ah u saameynayo xisaabta amni ee Tel Aviv, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Iran iyo kooxaha ay Tehran taageerto ee gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii shir jaraa’id ka sheegay in uusan si buuxda u hubin faahfaahinta heshiiska cusub, taas oo muujineysa heerka kala fogaanshaha ka dhex muuqda Washington iyo Tel Aviv xilli Mareykanku isku dayayo inuu soo afjaro xiisadda Iran.

“Ma hubo faahfaahinta,” ayuu Netanyahu yiri, isaga oo ka hadlayay is-afgaradka cusub ee Iran iyo Mareykanka.

Warbaahinta Cibraaniga ayaa sheegtay in madaxda Israel ay ka dhex jirto caro iyo niyad-jab xooggan oo ku saabsan heshiiska, iyadoo qaar ka mid ah saraakiisha Tel Aviv ay u arkaan tallaabo Mareykanku qaaday iyada oo aan si buuxda loola tashan Israel.

Telefishinka i24 ayaa is-afgaradka ku tilmaamay “ceeb,” gaar ahaan qodobka la xiriira ka bixitaanka Lebanon iyo joojinta weerarrada lagu hayo dalkaas.

Qodobkaas ayaa u muuqda mid si weyn uga caraysiiyay Israel, maadaama Tel Aviv ay muddooyinkii dambe kordhisay weerarrada ay ka fulineyso gudaha Lebanon, iyadoo ku doodaysa inay beegsaneyso xarumo iyo dagaalyahanno xiriir la leh Hezbollah.

Sarkaal la hadlay warbaahinta Israel ayaa sheegay in heshiiska ay u badan tahay inuu fashilmo, isagoo intaas ku daray in weerarro kale oo Israel ay ku qaaddo xarumaha nukliyeerka iyo gantaallada Iran ay yihiin “arrin waqti uun ku xiran.”

Hadalkaas ayaa muujinaya in Israel aysan u muuqan mid diyaar u ah inay si buuxda u aqbasho jihada diblomaasiyadeed ee Washington, gaar ahaan haddii ay u aragto in heshiiska uu xaddidayo awooddeeda militari ama uu fursad siinayo Iran.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii taliyaha ciidamada cirka Israel, Omer Tischler, uu Talaadadii xaqiijiyay in Israel ay toddobaadkii hore baajisay duqeymo ballaaran oo ay qorsheyneysay inay ka fuliso gudaha Iran.

“Weerarka waxaa la joojiyay annaga oo weli ku jirna warbixintii ugu dambeysay ee cutubyada duulimaadka, saacad kaliya ka hor intii aysan diyaaradaha kicin,” ayuu yiri Tischler.

Hadalkan ayaa daaha ka rogay in Israel ay ku dhoweyd inay qaaddo weerar kale oo culus oo gudaha Iran ah, balse la hakiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay. Lama caddeyn sababta rasmiga ah ee keentay joojinta howlgalkaas, balse wuxuu kusoo beegmay xilli Washington ay riixeysay is-afgaradka cusub ee Tehran.

Israel ayaa dhanka kale u sheegtay Mareykanka inaysan ku xirneyn heshiiska cusub ee lala galay Iran.

“Heshiiska Iran waxaa sameeyay Trump, waana go’aankiisa; annagu waxaan leenahay danaheena,” ayuu Netanyahu ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay 15-kii June.

Wuxuu intaas ku daray in dagaalka ka dhanka ah Iran “uusan dhammaan.”

Hadalka Netanyahu ayaa si cad u muujiyay in Israel ay dooneyso inay sii haysato xorriyadda ay u aragto mid militari, xitaa haddii Washington ay door bideyso in dagaalka lagu beddelo waddo diblomaasiyadeed.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa isna toddobaadkan sheegay in Tel Aviv ay Iran ku qaadi doonto weerarro “awood buuxda leh” haddii Tehran ay ka jawaabto weerarrada Israel ee Lebanon. Katz ayaa arrintaas barbar dhigay jawaabtii Israel ka bixisay weerarkii ka dhacay Beirut horaantii bishan.

Hanjabaadda Katz ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo in is-afgaradka Mareykanka iyo Iran uusan si fudud u dejin doonin xiisadda gobolka, gaar ahaan haddii Israel ay sii waddo howlgallada militari ee Lebanon ama Iran ay go’aansato inay ka jawaabto.

Heshiiska cusub ee Washington iyo Tehran ayaa u muuqda inuu abuuray khilaaf cusub oo siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeeya Mareykanka iyo Israel. Inkastoo labada dhinac ay weli yihiin xulafo dhow, haddana arrintan waxay muujineysaa in danaha Trump iyo Netanyahu aysan si buuxda isu waafaqsaneyn xilligan.

Washington waxay u muuqataa inay dooneyso inay dagaalka Iran ku beddesho heshiis hoos u dhiga xiisadda, halka Israel ay weli ku adkeysaneyso in khatarta Iran aan weli la soo afjarin.

Taasi waxay ka dhigeysaa is-afgaradka cusub mid wajihi kara tijaabo adag, gaar ahaan haddii Israel ay qaaddo weerarro cusub ama haddii Iran ay u aragto tallaabooyinka Tel Aviv kuwa burinaya jawiga xiisad yareynta ee Mareykanku isku dayayo inuu dhiso.

- Advertisement -

Read more

Local News