Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wada-hadallada u bilaabanaya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan doorka uu Turkiga ku leeyahay dhex-dhexaadinta labada dhinac, isaga oo tilmaamay in uusan filaynin in Ankara ay u xaglineyso dhinac gaar ah.
Taabid ayaa marka hore ku amaanay Turkiga dadaalkiisa ku aadan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay hannaanka doorashooyinka, wuxuuna sidoo kale sheegay in arrintan ay muujineyso sida ay uga go’an tahay taageeradiisa ku aadan nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
“Dowladda Türkiye waa dal walaal la ah Soomaaliya, mar walbana muujiya sida uu dadkeenna ula jecelyahay wanaag, xasillooni iyo horumar. Doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan xal u helidda arrimaha siyaasadda Soomaaliya wuxuu marag u yahay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda, wadajirka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.” ayuu yiri Taabid, kadib qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ugu baaqay labada dhinac inay fursad siiyaan wada-hadallada, isla markaana ay si niyad sami leh ku wajahayaan dadaallada socda, si xal loogu helo khilaafka ka jira dalka.
“Waxaa muhiim ah in aynu si niyad sami iyo kalsooni leh u wajahno dadaalladaas, isla markaana fursad la siiyo wadahadalka iyo is-afgaradka si loo gaaro heshiis qaran oo ku salaysan doorasho dadweyne oo loo dhan yahay,” ayuu mar kale yiri Taabid Cabdi Maxamed.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in marnaba uusan dowladda Turkiga ka filaynin inay dhinac gaar uu xaglineyso , wuxuuna uga mahadceliyay garab istaagga iyo doorka ay qaadaneyso, si ay Soomaaliya uga gudubta marxaladda kala guurka ah, iyada oo laga fogaanayo inuu dhaco qalalaase amni.
“Marnaba kama filayo in Türkiye qof ama dhinac gaar ah u xaglinayso, sidaad darteed, waxaan uga mahadcelinaynaa taageeradooda walaalnimo, garab-istaagooda joogtada ah, iyo dadaallada ay ugu jiraan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay guddoomiyihii hore ee gobolka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad xasaasi ah oo ka dhalatay is mariwaaga siyaasadeed ee dhinacyadan, taas oo keentay in qalqal amni laga dareemo caasimada, inkastoo haatan xaaladdu ay dagan tahay.

