27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Kooxaha burcadbadeeda oo laba markab ku weeraray xeebaha Puntand

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta kooxaha burcadbeedda ay weerarro ka gaysteen halkaas, iyaga oo beegsaday laba markab oo ganacsi, balse ugu dambeyn ka badbaaday isku dayga weerarrada hubeysan ee lagu qaaday.

Labada markab oo ah kuwa xamuulka qaada ayaa xilliga la weerarayay ku socday aagga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Puntland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Isku deyga weerarka koowaad ayaa lagu beegsaday markabka xamuulka qaada ee Greta Star oo watay calanka Panama, kaas oo 15-kii bishan June ay u soo dhawaadeen burcadbadeed saarnaa doon yar, xilli uu marayay koonfurta xeebaha dalka Yemen, balse si dirqi ah ayuu kaga badbaaday weerarkaas.

Sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badaha ee Vanguard Tech, ragga hubeysan ayaa rasaas huwiyay markabka, balse shaqaalaha saarnaa markabka ayaa kordhiyay xawaaraha, kana cararay goobta lagu weraray.

Sidoo kale, weerarka labaad oo isna dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu beegsaday markab kale oo xamuul siday, kuna socdaalayay calanka Palau, kaas oo burcadbadeeda ku heleen meel qiyaastii 32 mayl koonfur kaga beegan degmada Xaafuun ee gobolka Bari, iyada oo la sheegay in markabkaas ay weerareen labo doomood oo ay saarnaayeen ilaa 12 nin oo hubeysan, kuwaas oo rasaaseeyay markabka, kuna amray in uu istaago, blase ilaalada markabka la socotay ayaa iska difaacay ragga soo weeraray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal kooban uu dhex-maray labada dhinac, isla markaana is rasaaseyntu ay socotay muddo ku dhow 30 daqiiqo, iyada oo kadib la cayriyay labada doomood iyo raggii hubeysnaa ee la socday.

Weerarradan waxaa ka horreeyay kuwa kale oo ay horay u fuliyeen kooxaha burcadbadeeda, kuna qabsadeen illaa saddex markab oo illaa iyo hadda ay ku haystaan xeebaha Puntland, taasoo kordhisay falalka burcad-badeeda Soomaalida.

Qiyaastii saddex sano ka hor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

- Advertisement -

Read more

Local News