26 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

DF Soomaaliya oo diyaarinaysa ciidamo fara badan iyo arrinta ka dambeysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar-gelisay qorshe ay mas’uuliyadda amniga dalka si tartiib-tartiib ah ugala wareegayso ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo Soomaaliya ku sugnaa tan iyo sanadkii 2007, iyagoo ka qeyb qaadanayay sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Xogo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in dowladda ay haatan diyaarinayso cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo soo maray tababaro heer sare ah, kuwaas oo loo qorsheeyay inay la wareegaan waajibaadka ay hayaan ciidamada AUSSOM.

Ciidamadan cusub ayaa la sheegay in lagu qalabeynayo gaadiid, hub iyo agab ciidan oo casri ah, si ay u yeeshaan awoodda lagama maarmaanka u ah sugidda amniga iyo fulinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Maalmihii la soo dhaafay, Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ciidamada, isagoo kala hadlay qorshaha dowladda ee la xiriira dardar-gelinta la wareegista mas’uuliyadda amniga dalka iyo diyaar-garowga ciidamada qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu guuleysatay in ciidamada Midowga Afrika laga saaro howlaha ilaalinta madaxda sare ee dowladda iyo xarumaha Madaxtooyada Qaranka, iyadoo mas’uuliyaddaas si buuxda loogu wareejiyay ciidamada Soomaaliyeed.

Tallaabadaas ayaa loo arkaa mid horseed u noqotay qorshaha ballaaran ee dowladda ku dooneyso in ciidamada qaranku si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo taageero dhinaca tababarka, qalabaynta iyo tayeynta ciidamada laga helayo dalal saaxiib la ah Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixineysa mushaaraadka ciidamada la diyaarinayo, halka dalalka taageeraya Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan tababarrada iyo qalabayntooda.

Qorshahan cusub ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan waqtiga ku habboon ee ciidamada AUSSOM ay si rasmi ah mas’uuliyadda amniga dalka ugu wareejin lahaayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News