25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Xog: R/W Xamza oo ku wajahan Galmudug xilli Qoor-Qoor uu…

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda safar ku tago magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya kaddib wada-hadallo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee maamulka Galmudug.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isku afgarteen in si dhow looga wada-hadlo arrimaha taagan ee Galmudug, gaar ahaan doorashooyinka, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu booqasho rasmi ah ku tagayo caasimadda maamulkaas si loo sii ambaqaado wada-tashiyada.

Socdaalka Xamza ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo dadaallada dowladda federaalka ay ku dooneyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, gaar ahaan xilligan ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashada qof iyo cod ee wado Villa Somalia.

Socdaalka Xamza ayaa imanaya xilli maamulka Galmudug uu walaac xooggan ka muujiyay sida uu wax u wado doorka guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, isagoo ku baaqay in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, daah-furan isla markaana lagu wada kalsoon yahay.

Bayaan kasoo baxay hoggaanka maamulka ayaa lagu eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan inuu ka mid noqday olole la xiriira musharrax la sheegay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada Galmudug.

Galmudug ayaa caddeysay in aysan aqbali karin guddi doorasho oo lagu tuhmayo inuu la safan yahay musharrax ama xisbi gaar ah, iyadoo ku adkaysatay in hufnaanta geeddi-socodka doorashadu ay ku xiran tahay dhexdhexaadnimo buuxda oo guddiga ah.

Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta iyo axsaabta siyaasadeed ay tahay in la siiyo fursado siman oo ay ugu tartamaan doorashada, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara eex ama saameyn siyaasadeed oo dhaawici karta natiijada doorashada. Waxay ugu baaqday in la adkeeyo nidaam doorasho oo caddaalad ku dhisan, si ay u soo baxaan natiijooyin leh sharciyad, kalsooni bulsho iyo wada-ogolaansho siyaasadeed.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in xisbiga JSP uu musharraxnimada xilka madaxweynaha Galmudug u wado Liibaan Axmed Xasan, oo lagu tilmaamay ganacsade saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Read more

Local News