Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa maamulka Somaliland ku tilmaantay “Israa’iisha Afrika”. Madax, siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal Israa’iiliyiin ah ayaa arrintan ku sababeeyay waxyaabo ay ka mid yihiin dimuqraadiyadda, amniga iyo duruufaha juqraafiyeed ee ay sheegeen inay wadaagaan labada dhinac.
Dr. Mike Evans, oo ah aasaasaha iyo madaxa Hay’adda Friends of Zion (FOZ), ayaa sheegay in Somaliland ay mudan tahay aqoonsi caalami ah, isaga oo si gaar ah ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump inuu aqoonsado Somaliland.
“Somaliland waa Israa’iisha Afrika, Madaxweyne Trump-na waa inuu aqoonsadaa,” ayuu yiri Evans, isaga oo khudbad ka jeedinayay munaasabaddii lagu maamuusay Madaxweyne Cirro, laguna guddoonsiiyay Billadda Sharafta Friends of Zion Award.
Evans ayaa ku dooday in Somaliland ay Afrika kula dagaallamayso waxa uu ku tilmaamay xagjirnimada Islaamiga ah, halka Israa’iil ay dagaal la mid ah ka waddo Bariga Dhexe, isaga oo sheegay in arrintaasi ay ka mid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee isu soo dhoweynaya labada dhinac.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland ku sheegay in labada dhinac ay ka siman yihiin caqabado amni iyo siyaasadeed, isaga oo xusay inay ku nool yihiin deegaanno ay deriskoodu marar badan diiradda saaraan diidmada jiritaankooda iyo cadaadiska lagu hayo, halkii ay xoogga saari lahaayeen horumarinta iyo iskaashiga gobolka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale tilmaamay in Somaliland iyo Israa’iil ay wajahaan duruufo amni iyo siyaasadeed oo isku dhow, kuwaas oo, sida uu sheegay, horseeday in labada dhinac yeeshaan aragtiyo iyo dano istaraatiiji ah oo isugu dhow.
Isticmaalka sii kordhaya ee ereyga “Israa’iisha Afrika” ee ay adeegsanayaan warbaahinta, siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Israa’iil ayaa muujinaya sida ay u sii xoogeysanayso aragtida ka dhex jirta qaybo ka mid ah bulshada Israa’iil ee ah “in Somaliland iyo Israa’iil ay wadaagaan xaalado amni, siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed oo isu dhow,” xilli ay sidoo kale soo baxayaan hadallo sii kordhinaya suurtagalnimada xiriir dhow oo dhexmara labada dhinac.

