27.3 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Ciidanka Danab oo nolosha ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu soo qabtay xubin ka tirsan kooxda AL-Shabaab.

Ciidamada howlgalka sameeyay oo si gaar ah uga tirsan Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ayaa ninkan kasoo soo qabtay deegaanka Harboole, waxaana magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Aadan oo magaciisa afgarashada uu yahay (Haashim).

Sida ay sheegeen saraakiisha ninkan ayaa xilliga la qabanayay ku sugnaa xaalad jahwareer ah, wuxuuna watay qori noociisu yahay AK-47, oo ay soo bandhigeen ciidamada gacanta kusoo dhigay.

Aadan Maxamed oo la wareystay ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay haatan wajaheyso culeysyo xooggan, gaar ahaan todobaadyo dagaallo iyo duqeymo ah, isla markaana raggii ay wada joogeen ay kala firaxadeen.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Khawaarijta ay sababeen khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray xubnaha kooxda iyo horjoogayaal sar sare.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale lagu sheegay in howlgalladu sii socon doonaan, lana beegsan doono argagixisada.

“Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgalada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo haraadiga Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga loogana ciribtiro kooxaha argagixisada,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waday howlgallo aan kala joogsi laheyn oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobollada Jubbooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News