Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ah Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan khiaafka siyaasadeed ee taagan iyo dagaalka Al-Shabaab.
Ugu horreyn Sheekh Aadan Madoobe ayaa qiray in dalka ay ka jiraan xaalado adag, sida in Al-Shabaab ay weli haystaan meelo badan, iyo sidoo kale inuu weli jiro is qab-qabsi u dhexeeyo madaxda Soomaaliyeed, balse waxa uu tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay xalliyeen arrimo culus oo xasaasi ah.
“Waxyaalo yar yar waa iska jiraan argagixiso meel kamid ah dalka haysata iyo khiaafaad yar yar waa iska jiraan bani’aadan ayaana loo yahay,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedka labada gole ee baarlamaanka, isaga oo sheegay in mandate-kii hore uu dhammaaday, balse hadda uu bilowday mandate cusub oo ka dhashay ansixintii dastuurka cusub oo ogolanaayo muddo hal sano ah, sidaas daraadeed wuxuu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda muhiimka ah.
“Muddadii hore ee muddo xileedka u ahaa waa dhammaaday hadda waxaan ku jirnaaa muddo xileedkii dambe oo dastuuriyan ay sharci noqotay 5-ta sano, halka sano ee inoo haray wixii daruufi ku darto waa gaarkeed,” ayuu raaciyay.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta si rasmi ah xilka guddoomiyenimo ugu wareejiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, taas oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka, ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha oo sii ahaan doonta sii hayaha xilka Guddoomiyaha ku wareejiyey warbixinta guud ee Golaha Shacabka, habraaca maamul ee u gaarka ah Golaha iyo qorshaha istraajiyada, iyadoo shahaado sharaf la guddoonsiiyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Siciid Maxamed Cadow oo lagu abaalmariyey hufnaantiisa shaqo iyo maareynta maamulka iyo maaliyadda Golaha.
Ugu dambeyn, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dhankeeda xaqiijisay in guddoonka Golaha Shacabku sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha, isla markaana uu xoogga saari doono dardargelinta howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.

