Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in meel wanaagsan ay marayaan wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo hogaamiyaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kuwaas oo ku aadan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah.
Wada-hadalladan oo galay dhowr wareeg ayaa waxaa ay u dhexeeyeen ergo ka socota dowladda dhexe oo uu hoggaaminayo Taliyaha NISA Mahad Salaad, kuwaas oo la fariistay Axmed Qoor Qoor, iyada oo ugu dambeyn laga gaaray is-fahan hordhac ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul waaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo isna saacadaha soo socda ku wajahan Dhuusamareeb uu ka qayb-geli doono dhammaystirka is-afgaradka labada dhinac, si loo soo afjaro xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, kadibna loo guda galo doorashooyinka maamulka.
Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale hadda laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, oo uu ka bilaabi doono kulamo, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal ku sugan deegaannada Galmudug.
Ammaanka ayaa dhanka kale aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha muhiimka ah ee caasimada, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa gud, una sugaan amniga Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa.
Villa Somalia ayaa dooneysa in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Galmudug, isla markaana doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bisha July lagu doorto musharrax ka imaan doona urur-siyaasadeedka JSP. Waxaa aad loo hadal hayaa in musharraxaasi noqon karo ganacsade Liibaan Axmed Xasan, haddii uusan isbeddelin mowqifka taageerada madaxtooyada ee ku aaddan ninkaas.
Si kastaba, ha’ahaatee, dadka reer Galmudug ayaa isha ku haya xiisadda taagan, oo ay garowsan yihiin inay khatar dhab ah ku tahay jiritaanka Galmudug, isla markaana ay sii kala fogeyn karto bulshada maamulkaasi.
Dhawaan Villa Soomaaliya ayaa doorasho ka qabatay Koonfur Galbeed, halkaas oo uu isbeddal ka dhacay, kadib markii uu doorashada kusoo baxay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ahaa musharrixii matelayay Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

