25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Maamulka Waqooyi Bari oo qaaday tallaabo muhiim ah kadib dagaalkii Ari-Caddeeye

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegtay in xaaladda deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool ay haatan deggan tahay kadib dagaal beeleed khasaare xooggan geystay oo sababay dhimashada in ka badan 20 qof iyo dhaawaca tiro kale oo badan.

Maamulka ayaa sheegay in dadaallo lagu xasilinayo xaaladda ay si rasmi ah u socdaan, iyadoo ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda loo diray deegaanka si loo sugo amniga loogana hortago in dagaalladu dib u qarxaan.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Waqooyi Bari Soomaaliya, Cali Axmed Cali, ayaa sheegay in maamulka uu si dhow ula socdo xaaladda deegaanka, isla markaana uu wado dadaallo lagu kala dhexgelinayo beelaha ay dirirtu dhex martay. Wuxuu xusay in khilaaf hore oo ka jiray deegaanka la xalliyay, balse ay mar kale soo cusboonaatay xiisad kale.

“Waxaan u ballansaneyn inaan tii hore xallinno, laakiin qaddar ayaa dhacday,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka, isaga oo tilmaamay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu soo afjarayo colaadda.

Dagaalka Ari-Caddeeye ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aanooyin qabiil oo muddo dheer soo jiitamayay. Xiisaddan ayaa dib u soo cusboonaatay kadib dhacdo lagu beegsaday laba nin oo safar ahaa, taas oo horseedday iska horimaadkii ugu dambeeyay ee deegaanka ka dhacay.

Dadaallo hore oo ay hormuud ka ahaayeen odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanka ayaa lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka. Hase yeeshee, isku dayadaas ayaa guul buuxda laga gaari waayay, iyadoo colaaddu mar kale dib u qaraxday.

Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-Seed oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee beesha Fiqishini ayaa sheegay in dadka ku dhintay dagaalka ay ku jiraan haween, carruur iyo waayeel, isaga oo ku tilmaamay dhacdada musiibo naxdin leh. “Sida aan warku ku hayo, 24 qof ayaa ku dhintay,” ayuu yiri suldaanka.

Dhankiisa, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo ka mid ah madax-dhaqameedka beesha Dhulbahante ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay ka argagaxeen tirada dadka lagu aasay deegaanka, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda lana qaado tallaabooyin dib loogu soo celinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News