Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho, si loo maamuuso halyeeyadii nafahooda u huray halgankii gobannimo-doonka iyo iska dulqaadistii heeryadii gumeysiga.
Munaasabadda ubax-dhigga Taallada Dhagaxtuur ayaa qayb ka ah, dabaal-degyada lagu weynaynayo xuska sannad-guurada 26-ka Juun oo ah taariikhda maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dalkeenna, gaar ahaan gobolada Waqooyi ee dalka.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku muujiyey muhiimadda ay leedahay xuska halgankii taariikhiga ahaa ee shacabka Soomaaliyeed ay ugu soo halgameen xorriyadda iyo midnimada dalka, isaga oo maamuusay geesiyaashii ka qayb qaatay soo dhicinta gobannimada.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobta ubax-dhigga ku tegay isaga oo ay wehliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si wadajir ah u xusay doorkii halyeeyada Soomaaliyeed ay ku lahaayeen halgankii gobannimo-doonka.
Taallada Dhagaxtuur ayaa ka mid ah astaamaha taariikhiga ah ee lagu xusuusto halgankii shacabka Soomaaliyeed ay isaga dulqaateen heeryadii gumeysiga, waxaana sannad kasta lagu qabtaa munaasabado lagu maamuusayo maalmaha xorriyadda.
Sannad kasta inta u dhexeysa 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo, Soomaaliya ayaa si weyn u xusta maalmaha gobannimada, iyadoo 26-ka Juun ay ku beegan tahay maalintii gobollada Waqooyi ay ka xoroobeen gumeysigii Ingiriiska.
Sidoo kale, 1-da Luulyo ayaa ah maalintii gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyo maalintii ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo horseedday dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.














