26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Sawirro: Xiriirka Kuwait oo si weyn usoo dhoweeyey Cartan

Bookmark
Bookmarked

Share

Kuwait (Caasimada Online) – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, ayaa gaaray dalka Kuwait, halkaas oo uu ku dhexdhexaadin doono kulanka adag ee horyaalka Zain Premier League ee dhex mari doona Kuwait SC iyo Al-Qadsiya. Ciyaartan ayaa sidoo kale noqon doonta mid kooxda Kuwait SC loogu caleema saarayo koobka horyaalka dalkaas.

Cumar Cartan ayaa dalka Kuwait ku gaaray martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait, Sheekh Axmed Al-Yuusuf. Waxaa loo doortay inuu dhexdhexaadiyo ciyaarta u dhexeysa kooxaha Kuwait SC iyo Al-Qadsiya, oo la ciyaari doono 29-ka Juun 2026, taasoo ka mid ah kulamada ugu dambeeya ee horyaalka Zain Premier League.

Markii uu gaaray Kuwait, waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Cabdullaahi Maxamed Sheekh, mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait, iyo wakiillo ka socday shirkadda Al Shaayic.

Hore, Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in garsoore Cumar Cartan uu dhexdhexaadin doono ciyaarta weyn ee Super Cup-ka, taasoo dhex mari doonta kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa.

Cartan ayaa sidoo kale loo doortay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha matalaya qaaradda Afrika ee Koobka Adduunka. Hase yeeshee, waxaa garoonka caalamiga ah ee Miami ku celisay Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka ee CBP, waxaana dib loogu celiyay dalka Turkiga.

Cumar Cartan waxaa si weyn loogu aqoonsan yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu fiican Afrika. Wuxuu qarka u saarnaa inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee abid dalkiisa uga qeyb gala Koobka Adduunka. Waxaa sidoo kale loo magacaabay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu fiican qaaradda, isagoo hore u soo maamulay laba ciyaarood oo ka tirsan Koobka Qaramada Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News