Dubrovnik (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Yurub ee Jamhuuriyadda Croatia, Gordan Grlić Radman.
Kulankan ayaa ka dhacay intii ay socotay Madasha Dubrovnik Forum, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Croatia.
Labada wasiir ayaa diiradda saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda iyo danaha wadajirka ah ee labada dal, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogteynta wada-hadallada heerka sare.
Intii uu kulanku socday, labada mas’uul ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, kaas oo dhigaya hannaan rasmi ah oo lagu joogteynayo wada-hadallada siyaasadeed ee labada dal.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana uu sare u qaado iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada kala duwan, iyadoo la abuurayo hannaan joogto ah oo wada-shaqeyn ah.
Labada wasiir ayaa sidoo kale soo dhaweeyay horumarka laga gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Croatia tan iyo kulankoodii ka dhacay magaalada Brussels bishii Nofeembar 2025, gaar ahaan aqbalidda safiirkii ugu horreeyay ee aan degganayn ee Soomaaliya u qaabilsan Croatia.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo horumarinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Croatia, iyagoo muujiyay rabitaankooda ku aaddan ballaarinta wada-shaqeynta mustaqbalka.









