25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay dhallinyaro caan ah oo loo soo xiray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay faafiyeen anshax-xumo, iyagoo adeegsanayay aaladaha internet-ka.

Afhayeenka ciidanka booliska, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada la soo bandhigay ay tiradoodu gaareyso toban ruux, kuwaas oo ku lug leh falal la xiriira anshax-xumo iyo baahinta muuqaallo aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, sida uu sheegay.

Afhayeenka ayaa xusay in eedeysanayaashan ay muddo ku hawlanaayeen duubista iyo faafinta muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ee TikTok, YouTube iyo Facebook, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.

Gaashaanle Cabdifitaax ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo la xiriira kiiskan, isagoo tilmaamay in dhammaan eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad si sharciga loo mariyo.

Waxa uu sidoo kale digniin u diray maamullada hoteellada iyo goobaha kale ee lagu duubo muuqaallada noocan ah, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan martigelinta ama fududeynta falalka ka hor imanaya sharciga iyo anshaxa suubban ee bulshada.

Dhanka kale, Taliska booliska ayaa ku dhawaaqay in markii ugu horreysay Soomaaliya laga hirgeliyay xarun gaar ah oo u xil-saaran dabagalka iyo baarista dambiyada ka dhaca internet-ka, taas oo la sheegay inay ka shaqeyn doonto la-dagaallanka dambiyada dhanka tiknoolajiyadda.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan isticmaalka baraha bulshada iyo doodaha la xiriira xakamaynta waxyaabaha lagu baahiyo internet-ka, iyadoo hay’adaha ammaanka ay sheegeen inay sii xoojin doonaan la socodka iyo ka hortagga falalka ay u arkaan kuwo khatar ku ah anshaxa iyo amniga bulshada.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News