26.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Ra’iisul wasaare Xamza oo difaacay qorshaha DF ee Puntland + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, kadib khudbad uu ka jeediyay munaasabad xarrigga looga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Xamza ayaa marka hore ka hadlay qorshaha dowladda dhexe ee ku aadan deegaannada Puntland, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin faragelin ay dowladda sameyneyso, balse ay gudaneyso kaliya waajibaadka ka saaran dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uul ka tahay dalka oo dhan, isla markaana ay shaqaale ka qoran karto meel kasto, iyadoo xusid mudan tahay in dowladdu ay ciidan ka qoratay gudaha Puntland, taas oo keentay in go’aanno xasaasi ah ay saarto xukuumadda Saciid Deni.

“Waxaa jira kuwo aan Somaliland ahey oo cuqdadeysan oo lasoo shir tagtay dowladdaa nagu soo duushay oo na faragalineysa oo dalkaan yaa maamulo marba dowlada hadday meel walba tagi karin?,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Goormee noqotay in dowladda Soomaaliyeed ay dalkeeda adeeg gayso qof Soomaali ah shaqaaleysiiso booqato ma waajib laga rabay ayuu ahaa oo aysan hadda kahor qaban, mise faragelin?”.

Dhinaca kale, wuxuu si dadban u weeraray Madaxweyne Saciid Deni iyo madaxda kale ee kasoo horjeedo dowladda, isaga oo ku eedeeyay inay isku dhajinayaan xukunka, isla markaana danta dalka ay ka hormarinayaan tooda.

“Anigu dadka Soomaaliyeed-baan la hadlayaa horay ayaan u sheegay nin siyaasi ah oo shahwada xukunka ay madax martay anigu la hadli maayo kursigu wuu dhib badan yahay mararka qaarkood dadka dariiqa fiican-buu seejiyaa,” ayuu mar kale yiri Xamza Cabdi Barre.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka xooggan ee haatan u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqablka, isaga oo sheegay in mucaaradka ay diidan yihiin in la daadajiyo doorashooyinka, isla markaana fursad la siiyo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News