Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay shil naxdin leh oo ka dhacay Gobolka Ras Tanura, kadib markii ay burburtay diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leedahay Shirkadda Saudi Aramco, waxaana ku dhintay oo illaa 14 qof oo Sacuudiyaan ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudiga, iyada oo sheegtay inay ka xun tahay dhacdadaas.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib shilkii naxdinta lahaa ee diyaaradda qumaatiga u kaca ee shirkadda Saudi Aramco ee ka dhacay Gobolka Ras Tanura, kaas oo ay ku geeriyoodeen 14 muwaadiniin Sacuudiyaan ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale xilligan adag garab istaag buuxa u muujisay dowladda Sacuudiga, waxayna shaacisay inay sii adkeyneyso xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dhinac.
“Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya xilligaan adag, waxayna Alle SWT uga baryeysaa inuu naxariistiisa iyo dembi-dhaafkiisa waasaca ah ku mannaysto dhammaan dadkii ku geeriyooday shilkaas, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo ehelladooda iyo dhammaan dadkii ay ka baxeen,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Sidoo kale waxaa lagu sii daray “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo adkaynaysa xiriirka walaaltinimo iyo saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee mideeya labada dal”.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee haatan taageerada xooggan siiyo DFS, waxayna ka caawisaa dhinacyo kala duwan oo muhiim ah.


