Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si adag uga jawaabay diidmada iyo dhaleeceynta uga timid qaar ka mid ah waddamada Islaamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la xiriirta safaaradda uu maamulkiisu sheegay inuu ka furtay magaalada Qudus iyo guud ahaan xiriirka uu la yeeshay Israa’iil.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in safaaradda Somaliland laga furay Galbeedka Qudus oo uu ku tilmaamay dhul ay dalal badan oo caalamka ka tirsan u aqoonsan yihiin inuu qayb ka yahay Israa’iil. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland ay ku dhisan tahay ilaalinta danaha Somaliland.
“Layma dooran inaan Falastiin u shaqeeyo, ee waxaa la ii doortay inaan danta Somaliland ka shaqeeyo,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isaga oo sheegay in Somaliland aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka Falastiin, isla markaana ay taageersan tahay xaqa ay u leeyihiin inay ka tashadaan aayahooda.
Sidoo kale, Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay muddo ku dhow 35 sano raadineysay taageero iyo aqoonsi caalami ah, gaar ahaan dalalka Islaamka, balse aysan helin jawaab ay ku qancaan.
Cirro ayaa sheegay in Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay sababta keentay in labada dhinac yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa.
“Waxa aynu saaxiib la nahay dalkii ina aqoonsaday. Diblomaasiyaddu waxay ku dhisan tahay wax is-weydaarsi. Markii ay Israa’iil na aqoonsatay, innaguna waan aqoonsannay,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan leenahay walaalayaal, waan idiin baahanahay, walaalahayo ayaad tihiin, na arka. Haddii aad na arki weydaan, ugu yaraan naga daaya dhibta.”
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dalal badan oo Islaam ah ay si cad uga horyimaadeen xiriirka maamulka Somaliland la yeeshay Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

