Muqdisho (Caasimada Online) – Waa su’aal taagan, muhiimna ay tahay in qof walba uu fahmo sababta Madaxweynaha Hirshabeelle weli fursad ugu haysto sii joogitaanka xilka iyo inuu u tartamo muddo-xileed kale, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu meesha ka saaray jiritaanka hoggaankii Koonfur Galbeed, sidoo kalena uu diiday in mar kale uu dib u soo laabto Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Sida caadiga ah, Madaxweyne kasta oo fariista Villa Somalia wuxuu rabaa in maamul-goboleedyada ay madax ka noqdaan rag xulafo dhow la ah, si fududna ula shaqeyn kara, gaar ahaan marka la gaaro xilliyada kala-guurka ah ee dhammaadka muddo-xileedka.
Maadaama madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed — Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen — ay ahaayeen shaqsiyaad xiriir dhow la lahaa dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh wuxuu doonayaa inuu hubiyo in deegaannadaas ay ka dhashaan maamullo isaga si buuxda ugu daacad ah, si loo sugo damaciisa siyaasadeed.
Qorshaha Villa Somalia ee isbeddelka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka hirgalay salka kuma hayo naceyb shakhsi ah, balse waa xeelad siyaasadeed oo dowladda federaalku ku doonayso inay ku meelmariso dib-u-dhiska dastuurka cusub, nidaamka doorashada qof iyo codka ah, iyo hamiga fog ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ayaa faham siyaasadeed ka qaatay in tareenka Dam Jadiid aysan la saanqaadi karin Cabdicasiis Lafta-gareen, kaas oo tuhun geliyay markii uu ka horyimid heshiiskii siyaasadeed ee doorashada qof iyo codka, isla markaana su’aal ka keenay mustaqbalkiisa siyaasadeed. Iyadoo mar horeba laga urinayay siyaasaddii Tayo ee Farmaajo, arrintaas ayaa dedejisay in xukunka si fudud looga tuuro markii uu ka horyimid doorashada qof iyo codka iyo hamigii Villa Somalia.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isaga laftiisa, waa hoggaamiye ka madax-adaygay damaca Villa Somalia, isagoo isu ekaysiinayay siyaasi u baari ah qorshaha doorashada qof iyo codka. Laakiin xaqiiqada ayaa bannaanka timid markii la kala dooranayay murashaxa xisbiga JSP ee Galmudug, taasoo soo dedejisay in Qoor Qoor uu bannaanka isa soo dhigo.
Saamileyda siyaasadeed ee JSP, oo u arkayay Qoor Qoor siyaasi dhaawici kara hamigooda haddii uu sii joogo Galmudug, ayaa beddelkiisa miiska soo saaray shuraako siyaasadeed oo heshiis wada-ogol ah lagu keenay: ganacsadaha qaadka iyo qandaraaslaha saadka ciidamada ku taajiray ee Liibaan Axmed, oo loo yaqaan “Liibaan Shuluq”.
Sidoo kale, saamileyda siyaasadeed iyo xulufada xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxay qaateen go’aan ah in meesha laga saaro Lafta-gareen, laguna beddelo Sheekh Aadan Madoobe, oo xilligii uu guddoomiyaha baarlamaanka ahaa u carbisnaa inuu ansixiyo wax kasta oo Villa Somalia ku qanacsan tahay. Sidaas ayaa awoodda looga saaray Cabdicasiis Lafta-gareen, oo saluugsanaa damicii Villa Somalia.
Marka intaas laga yimaado, Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, wuxuu la yimid siyaasad ka duwan tan Qoor Qoor iyo Lafta-gareen. Wuxuu muujiyay dabacsanaan siyaasadeed, isagoo u hoggaansamay damaca JSP iyo qorshaha Villa Somalia.
Dabacsanaanta siyaasadeed iyo u hoggaansanaanta qorshaha Villa Somalia ayaa dadka qaarkood u fasireen inay salka ku hayso haybta hoose ee hoggaanka dalka, balse xaqiiqadu taas way ka duwan tahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xeeriyay dhowr arrimood oo dhibaato ku keeni lahaa haddii uu furi lahaa aag cusub oo Hirshabeelle ah. Wuxuu doorbiday inuu qaato baari-nimada Cali Guudlaawe, isagoo dhinaca kalena qancinaya beesha weyn ee Hiiraan. Sidaas darteed, wuxuu adeegsaday siyaasad ka duwan tii uu u isticmaalay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dhinacyo badan ka eegaya hamiga siyaasadeed ee Cali Guudlaawe, ayaa u arkay inuu yahay hoggaamiye la jaanqaadi kara damaca siyaasadeed ee Villa Somalia. Guudlaawe, oo asal ahaan taariikhdiisa siyaasadeed lagu suntay nin aan lahayn waayo-aragnimo aqooneed ama mid waxbarasho oo weyn, balse ku bilowday waayihiisa askarinimo ilaa uu ka gaaray heer Madaxweyne, ayaa loo arkay inuu ku habboon yahay qorshaha Villa Somalia. Taas ayaana sabab u noqotay fursadda sii joogitaankiisa.
Gunaanadkii, Villa Somalia waxay markan tijaabinaysaa siyaasad cusub iyo siyaasiyiin ay iyadu soo saartay, marka laga reebo Cali Guudlaawe, oo garabkiisa siyaasadeed uusan si weyn u muuqan, balse siyaasiyiinta tolkiis ay garab taagan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.
W/Q: Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online

