Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Dowladda Federaalka ay ka soo horjeedo xiriir kasta oo diblomaasiyadeed oo dhex mara maamulka Somaliland iyo Israa’iil.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in arrimaha siyaasadda dibadda ay yihiin awood dastuuri ah oo u gaar ah Dowladda Federaalka, isagoo caddeeyay in Soomaaliya aysan aqbali doonin wax kasta oo uu ku tilmaamay fara-gelin dibadeed oo lagu sameeyo qaranimada iyo midnimadeeda dhuleed.
Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Israa’iil aysan “meel ku lahayn geyiga Soomaaliyeed,” isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan taageeridda tallaabo kasta oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso mowqifka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in go’aannada la xiriira aqoonsiga dowladaha iyo maamulka xiriirka diblomaasiyadeed ay yihiin awood u gaar ah dowladda dhexe.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay aaminsan tahay in wada-hadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu xallin karo arrimaha u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa. Wuxuu ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallo miro-dhal ah oo lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay soo martay marxalado adag oo ay ka mid yihiin kala qeybsanaan siyaasadeed iyo amni darro, balse loo baahan yahay aragti mideysan iyo wadajir si looga gudbo caqabadaha horyaalla dalka, loona dardar-geliyo dowlad-dhiska iyo horumarka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka dalka, isagoo caddeeyay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, difaaca madax-bannaanida dalka iyo ilaalinta qaranimada Soomaaliya.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, taas oo kasii dartay markii maamulka Somaliland uu sheegay inuu safaarad ka furtay Qudus, tallaabadaas oo si adag horyimaadeen dowladda Soomaaliya iyo waddamada Muslimka.

