25.5 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Firdhiye oo laba todobaad kadib qaaday tallaabo la xiriirta dhacdadii Ari-Caddeeye

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari ee fadhiggiisu yahay magaalada Laascaanood ayaa laba todobaad kadib maanta qaaday tallaabo la xiriirta dadkii shacabka ahaa ee dhawaan lagu xasuuqay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool, halkaas oo lagu dilay illaa 21 qof oo shacab ah.

Madaxwyeyne Cabdulqaadir Firdhiye oo wareegto soo saaray ayaa maanta magacaabay guddi cusub oo soo baara dhacdadaas, si ay cadaalad u helaan dhibanyaasha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale dhagaystay warbixin ay hay’adaha amniga ka bixiyeen falkaas naxtinta leh, kadibna wuxuu magacaabay guddiga oo ka kooban 5 xubnood oo isugu jiro Xildhibaanno iyo Wasiirro.

Wareegtada ayaa u qornayd sidatan;- “Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali markuu dhagaystay warbixinta hay’ada amniga ee dawladda, waxa uu si waafaqsan qod. 72 ee Dastuurka DWBS magacaabay:- Guddiga Baadhista iyo xal u helidda dilkii Adhicadeeye

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: 1.Wasiir Gen. Cabdi Xasan Maxamed—Guddoomiye, 2.Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Ducaale, 3.Wasiir Jaamac Faarax Muuse, 4.Xildhibaan Cabdiqaadir Cabdi Warsame iyo 5.Xildhibaan Cabdi Muuse Axmed”.

Firdhiye ayaa sidoo kale xubnaha uu magacaabay ugu duceeyay in Illaahay u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday oo ah inay si madaxbanaan u baaraan dhacdadii dadka lagu laayay, si loo soo qabto dambiileyaasha, cadaaladna u helaan dhibanayaasha.

Guddiga ayaa sidoo kale la faray inay dib u u eegis ku sameeyaan dhammaan doorkii iyo tallaabooyinkii ay qaadeen hay’adaha amnigu  ka hor iyo kaddib dhacdadaas oo ay si weyn uga xumaadeen dadka Soomaaliyeed.

Falka lagu laayay dadka rayidka ah ee ku sugnaa Ari-Caddeeyay ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aanooyin qabiil oo muddo dheer soo jiitamayay, waxaana dadka la dilay ku jira carruur, haween iyo dad waayeello ah.

Si kastaba, ha’ahaatee, Xiisadda ayaa dib u soo cusboonaatay kadib dhacdo lagu beegsaday laba nin oo safar ahaa, taas oo horseedday iska horimaadkii ugu dambeeyay ee deegaanka ka dhacay.

- Advertisement -

Read more

Local News