25 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Sidee looga falciyey go’aanka Puntland ku diiday in Turkiga…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay go’aanka kasoo baxay Dowlad-goboleedka Puntland oo maanta si adag uga hortimid in Turkiga uu xeebaheeda ka fuliyo howl-gallo la xiriira ilaalinta xeebaha iyo kalluumeysiga, xilli dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ay gaareen heshiis la xiriira arrintaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in Puntland ay dastuur ahaan iyo sharci ahaan u leedahay awoodda maamulka, ilaalinta, sahaminta iyo ka faa’iysiga dhammaan kheyraadka ku jira dhulkeeda iyo baddeeda.

Waxay xustay in xeebaha Puntland oo dhererkoodu gaarayo ku dhowaad 1,600KM, kuna teedsan Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ay yihiin hanti uu leeyahay shacabka Puntland.

Maamulka ayaa si gaar ah u sheegtay inaysan oggolaan doonin in shirkadda laga leeyahay Turkiga ee SOMTURK ay ka fuliso xeebaheeda wax howlgallo ah oo la xiriira kalluumeysiga, ilaalada xeebaha ama adeegyo kale, iyadoo aan oggolaansho ka helin hay’adaha awoodda u leh ee Puntland.

Haddaba sidee looga falceliyay go’aanka Puntland ku diiday Turkiga?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshad ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aanka kasoo baxay Puntland ee ka dhanka ah Turkiga.

Maxamed Axmed: “Waxaadan ahayn marka aad is moodo sidaan waayey Puntland xagee caalamka uga qoran tahay?”.

Maxamuud Cadde: “Puntland iyadaa deegaannadeeda iska leh. xorna waa tahay”.

Cali Ciid: “Yaaba kala tashanaayo ha hor istaagaan waa kaasaaye”.

Daahir Cumar: “Puntland waa Soomaaliya Saciid Deni iyo qolo shisheeye kalkaalana lagala tashan maayo”.

Cali Sheekh Doon: “Maalinba meel buu ka bus kicinayaa, waana sii socdaa oo soo naqasho maleh”.

- Advertisement -

Read more

Local News