25.2 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Guddoomiye Muungaab oo gaaray Baydhaba + Ujeedka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Muungaab ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Shaati Guduud ee magaalada Baydhaba, xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, xubno ka tirsan golaha wasiirrada maamulkaas, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, safarka duqa Muqdisho ayaa la xiriira ka qeyb-galka munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe.

“Safarka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la xiriira ka qeyb-galka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Muhiimadda safarka

Socdaalka Muungaab ayaa kusoo aadaya xilli Baydhaba ay martigelineyso wufuud kala duwan oo ka qeyb-gelaysa caleema-saarka Sheekh Aadan Madoobe, oo bishii June loo doortay hoggaanka Koonfur Galbeed.

Madoobe, oo muddo dheer ku jiray siyaasadda Soomaaliya, ayaa xilkan loo doortay kadib doorasho ka dhacday Baydhaba, isaga oo helay codad aad u badan oo ka mid ahaa xildhibaannadii codeeyay.

Doorashadiisa ayaa timid kadib muddo ay Koonfur Galbeed ku jirtay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan kadib dhammaadkii maamulkii Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo xiisadihii ka dhashay hannaanka doorashada.

Ka qeyb-galka duqa Muqdisho ee munaasabadda Baydhaba ayaa loo arkaa tallaabo muujineysa isku soo dhowaanshaha maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, xilli dowladda federaalka ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirka siyaasadeed ee maamullada dalka.

War-saxaafadeedka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in ka qeyb-galka munaasabaddan uu “ka tarjumayo muhiimadda sii xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xiriirka dowladnimo ee ka dhexeeya maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka.”

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Koonfur Galbeed, waxaana horey uu u soo noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Doorashadiisa hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa si weyn u beddeshay miisaanka siyaasadeed ee maamulkaas, maadaama uu ahaa siyaasi heer federaal ah oo hadda u wareegay hoggaanka dowlad-goboleed muhiim ah.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada muhiimka u ah siyaasadda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego doorka Baydhaba ee arrimaha doorashooyinka, amniga iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe.

Munaasabadda caleema-saarka Aadan Madoobe ayaa la filayaa inay isu keento madax ka socota dowladda federaalka, maamullada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo Baydhaba ay qaabileyso wufuud siyaasadeed oo kala duwan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in socdaalka Muungaab uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo midnimada, dowlad-dhiska iyo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dalka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News