Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ka codsaday kulan ka dhaca Aqalka Cad, xilli xiriirka labada hoggaamiye uu marayo marxalad xasaasi ah oo ay hareeyeen khilaafaad ku saabsan Iran, Lubnan iyo dagaalka gobolka.
Trump ayaa wareysi kooban oo uu siiyay Axios Sabtidii ku sheegay in kulankaas uu dhici karo toddobaadka soo socda, marka uu kasoo laabto shir madaxeedka NATO ee lagu qabanayo Turkiga 7-da iyo 8-da July. Hase yeeshee, sarkaal Israel ka tirsan ayaa sheegay in waqtigaas uu noqon karo mid degdeg ah, isla markaana kulanka laga yaabo inuu dhaco toddobaadka xiga.
“Si fiican ayaan isku fahamnaa. Wuu og yahay cidda boss-ka yahay,” ayuu Trump yiri, isaga oo ula jeeday Netanyahu, sida ay qortay Axios.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Israel uu Trump wacay Jimcihii si uu ugu hambalyeeyo 250-guurada maalinta madax-bannaanida Mareykanka. Qoraalka xafiiska Netanyahu ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen inay “dhowaan” ku kulmaan gudaha Mareykanka.
Kulankii hore ee xiisadda dhaliyay
Haddii uu dhaco, kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah ee Trump iyo Netanyahu yeeshaan tan iyo kulankoodii bishii Febraayo ee ka dhacay qolka Situation Room-ka ee Aqalka Cad, markaas oo Netanyahu uu Trump u bandhigay qorshe ku saabsan dagaal wadajir ah oo ka dhan ah Iran, sida ay qortay Axios.
Laakiin tan iyo markaas, waxaa sii kordhay shaki iyo niyad-jab ka dhex muuqda dadka ku dhow Trump, kuwaas oo qaarkood aaminsan in Netanyahu uu ku qaldamay arrimo badan oo gobolka ah. Sarkaal Mareykan ah ayaa Axios u sheegay in “dad badan oo ka mid ah la-taliyeyaasha ugu dhow Trump ay u arkaan in Bibi uu wax walba ku qaldanaa.”
Khilaafka labada dhinac ayaa si gaar ah u soo muuqday bishii hore, markii Trump uu si kulul uga carooday tallaabooyinka Israel ee Lubnan. Axios ayaa sheegtay in Trump uu Netanyahu ku tilmaamay nin “waalan” intii lagu jiray wicitaan taleefan, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay mahadnaq la’aan.
Labada hoggaamiye ayaa muddo dheer isku arkayay xulafo siyaasadeed, balse danahooda amni, diblomaasiyadeed iyo kuwa gudaha ayaa kala fogaaday labadii bilood ee la soo dhaafay.
Trump ayaa bishii hore saxiixay is-afgarad lagu kordhinayo xabbad-joojinta Iran, isla markaana lagu billaabayo wadahadallo cusub oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran, inkasta oo Netanyahu uu arrintaas ka qabay walaac.
Trump ayaa sidoo kale cadaadis saaray Israel si ay u xakameyso howlgallada ciidamada Israel ee Lubnan, kuwaas oo Washington u aragtay inay caqabad ku noqonayaan dadaallada wadahadalka Iran.
Arrintan ayaa muujineysa in Trump, inkasta oo uu weli taageero xooggan u hayo Israel, uu hadda doonayo inuu xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada Netanyahu marka ay khatar gelin karaan qorshihiisa gobolka.
Netanyahu oo u baahan sawir Aqalka Cad ah
Kulanka Aqalka Cad ayaa muhiimad gaar ah u yeelan kara Netanyahu, oo isu diyaarinaya doorashooyinka Israel ee bisha October. Warbixinta Axios ayaa sheegtay in ra’iisul wasaaraha Israel uu hadda ku jiro xaalad siyaasadeed oo adag, iyadoo codbixinnadu muujinayaan inuu ka dambeeyo mucaaradkiisa.
Sawir uu Netanyahu kula kulmo Trump ayaa siin kara fursad uu taageerayaashiisa ugu muujiyo inuu weli leeyahay xiriir adag oo uu la leeyahay madaxweynaha Mareykanka, gaar ahaan xilli gudaha Israel ay ka taagan tahay dood adag oo ku saabsan dagaalka, amniga iyo siyaasadda dibadda.
Dhanka kale, Trump ayaa wajahaya cadaadis ka imanaya garabka MAGA ee xisbigiisa, halkaas oo qaar ka mid ah taageerayaashiisa, oo uu ka mid yahay Tucker Carlson, ay ku eedeeyeen inuu si aad ah ugu xiran yahay Netanyahu iyo ajandaha Israel.
Trump oo ka hadlay aaska Khamenei
Dhinaca kale, Trump ayaa sidoo kale Axios u sheegay inuu la socdo aaska hoggaamiyihii hore ee Iran Ali Khamenei, oo la sheegay in lagu dilay maalintii koowaad ee dagaalka, howlgal wadajir ah oo Mareykanka iyo Israel ay fuliyeen.
The Guardian ayaa horay u qortay in Iran ay diyaarinayso aas lix maalmood soconaya oo loogu talagalay Khamenei, kaas oo loo adeegsanayo farriin siyaasadeed iyo mid diimeed oo muujineysa adkeysi.
Trump ayaa ku dooday in Iran ay “ka baryeyso” Mareykanka heshiis, balse waxa uu sheegay in labada dhinac ay go’aansadeen in muddo toddobaad ah la hakiyo wadahadallada inta ay socdaan munaasabadaha aaska Khamenei.
“Dhammaantood halkaas ayay joogaan. Hal xabbad [ayaan ku wada dili karnaa], laakiin sidaas ma sameyn doonno, sababtoo ah markaas cid aan la xaajoonno ma jiri doonto,” ayuu yiri Trump.
Hadallada Trump ayaa imaanaya xilli Bariga Dhexe uu weli ku jiro xaalad kacsanaan ah, isla markaana Washington ay isku dayeyso inay isku dheelitirto taageerada Israel, wadahadallada Iran iyo cadaadiska sii kordhaya ee gudaha Mareykanka ka imanaya.

