Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ka qayb-galay munaasabadda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe oo ka socota Baydhaba ayaa miiska soo saaray doodda ku aadan in madaxweyne ku xigeen ay yeelato Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Cali Guudlaawe ayaa sheegay in Hawiye ay degaan deegaannada Koonfur Galbeed, sidaas daraadeed wuxuu soo jeediyay in lasiiyo kursiga madaxweyne ku xigeenka, si ay wax ugu yeeshaan dowladda cusub.
Sidoo kale, wuxuu dalabkan toos ugu gudbiyay Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo uu ka codsaday inuu lasoo deg-dego, maadaama uu yahay xog-ogaal muddo kusoo jiray arrimaha siyaasadda.
“Hawiye gobollo badan ayuu dagaa, gaar ahaan labada gobol ee isa saaran ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee shoorka madaxda sare halagu daro in Madaxweyne ku xigeen la siiyo Hawiye. Waan hubaa inuu qorshaha kuugu jiro Oday Soomaaliyeed ayaa tahay ee lasoo degdeg” ayuu Cali Guudlaawe ku yiri Aadan Madoobe.
Dhinaca kale, Madaxweynaha HirShabelle oo soo hadal qaaday arrimaha doorashada ayaa ka hadlay isbeddelka ka dhacay Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in ka HirShabelle ahaan ay u diyaar garoobeen doorashada, ayna qaadan doonaan calafkooda.
“Waxaan kale oo aan hambalyo leeyahay dadka reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan hoggaanka la doortay ee Sheekh Aadan Madoobe ugu horreeyo, dalku waa doorasho waxaana ku qancaynaa doorashadaas waxaan ku helno,” ayuu sii raaciyay.
Hadalkan ayuu Cali Guudlaawe ka sheegay caleemo-saarka Hoggaamiye Aadan Madoobe, xilli ay goobjoog ahaayeen madaxda ugu sarreysa dalka, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamza.

