25.3 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

DF Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada-hadal xasaasi ah ka yeeshay Baab Al-Mandab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka wada-hadlay xaaladda amni ee marin-biyoodka muhiimka ah ee Baab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan ee ay maraan maraakiibta ganacsiga caalamka.

Wadahadalkan ayaa yimid kadib kulan dhinaca taleefanka ah oo dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, iyagoo diiradda saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay sugidda amniga biyaha caalamiga ah, gaar ahaan marin-biyoodka Baab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

Labada dal ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xorriyadda isu-socodka maraakiibta, isla markaana laga hortago fal kasta oo khatar gelin kara ganacsiga iyo isu-socodka caalamiga ah ee mara marin-biyoodkaas.

Dhanka kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada ay u hayso midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo gobannimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay Israa’iil bilihii la soo dhaafay isku dayaysay inay saameyn ku yeelato marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, arrintaas oo walaac amni ka abuurtay gobolka.

Dhaq-dhaqaaqyada kooxdaas ayaa waxaa si cad uga horyimid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah, kuwaas oo xoojiyay dadaallada lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News